Post View....

Mahdi Guuleed Oo Mucaaradka usheegay Sirta Farmaajo Villada Looga saari karo

0
71

Ra’iisalwasaare kuxigeenka Soomaaliya Abuukaato Mahdi Maxamed Guuleed ayaa khudbad dhego hadal siyaasadeed ah ku duray Xubnaha Murashaxiinta Madaxweynaha ee mucaaradka.

Waxa uu soo hadal qaaday sida looga Aradan yahay Siyaasada Soomaaliya ee hadda mucaaradka uwajahayaan Doorashada Soomaaliya ka Dhaceysa 2020/2021-ka.

“Ninka gurigaa cad dagan ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo niman odayaal ah oo ku gaafwareegaya Yaa u kala garnaqi doona”

Isagoo Mahdi Guuleed sii hadlayey ayaa yiri “Miyaan ahayn inaan ka hashiino sidii Gurigaas cad Albaabka looga galo oo aan Daaqada laga galin”

Ugu dambeyn Ra’iisalwasaare kuxigeenka Dalka Mahdi Guuleed ayaa ku laab qaboojiyey siyaasiyiinta mucaaradka “Miyeeysan ahayn inaan ka hashiino gurigaas cad sidii looga bixi lahaa ama sidii loogu sii jiri lahaa”-

About Author