Inaalilaahi wa inaa ileyhu raajicuuna
Rabbi jannada waasica ah ha geeyo oday Cabdi Afrax Cosoble oo maanta ku geeriyooday magaaladan Göteborg ee dalka Sweden.
Wax uu ahaa odayga u gu magacweyn magaaladan soddoneeyo sano oo uu degganaa. Wax uu ahaa oday Soomaali-yaqaan ah, waddani ah, saaxiibbadiisuna aad u tiro badnaayeen. Calankaa laabta u gu dheggan weligii ka ma furin, indhihiisana ilmo ayaa ka iman jirtay kolka uu ka hadlayo isbeddelka xun ee ku dhacay Soomaalida.
Ilaahay ubadkiisa, ehelkiisa iyo saaxiibbadii oo dhan ha ka samirsiiyo ducadoodana ha u aqbalo. Aamiin.
Hadii aan nahay bahda Somaliweyn Waxaan Ilaahey uga baryeynaa inuu janadii fardowso ka waraabiyo Aamiin