Taliyaha ciidanka Hindiya Generaal Mukund Naravane ayaa bilaabay booqasho taariikhi ah oo lix maalmood qaadatay oo uu ku tagay Isutagga Imaaraatka Carabta (UAE) iyo Saudi Arabia, waa booqashadii ugu horreysay ee noocan ah ee uu ku tago labada dal ee Khaliijka ku hoggaamiya dhanka Milatariga.
Booqashada Jeneral Naravane, Taliyaha Guud ee Shaqaalaha (COAS), ayaa ujeedkeedu yahay “xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed iyo iskaashi ee difaaca ee labada dal”, bayaan ka soo baxay ciidanka Hindiya ayaa lagu sheegay Talaadadii, isaga oo intaa ku daray in uu yahay safar “taariikhi ah” .
Hindiya xiriir dhaw oo taariikhi ah ayay la laheyd dowladaha Khaliijka, maadaama ay tahay qayb muhiim ah oo ka mid ah wax soo saarka batroolka ka soo dhoofiso gobolka.
Sacuudi Carabiya waa saaxiibka afaraad ee ugu weyn ganacsiga Hindiya ka dib Shiinaha, Mareykanka iyo Japan, waana isha ugu weyn ee laga helo tamarta. Hindiya waxa ay dalka ka soo dhoofsataa ku dhowaad 18 boqolkiiba shidaalkeeda ceyriin ee looga baahan yahay waddanka.
Laakiin dhowrkii sano ee la soo dhaafay, dowladda ra’iisul wasaare Narendra Modi waxa ay xooga saartay xoojinta xiriirka amniga iyo difaaca, gaar ahaan Imaaraatka.
“Booqashada taliyaha ciidamada ee Imaaraadka iyo Sacuudi Carabiya waxa ay daba socotaa rabitaanka cusub ee New Delhi ee ah inuu ballaariyo iskaashiyada xagga amniga ee labadan dal gaar ahaan iyo guud ahaanba,” Happymon Jacob, oo ah borofisar ku takhasusay barashada caalamiga Jaamacada Jawaharlal Nehru ee New Delhi, ayaa sidaas u sheegtay Al Jazeera.
8.5 milyan oo shaqaale Hindi ah oo jooga Khaliijka
Gobolka Khaliijka ayaa sidoo kale hoy u ah 8.5 milyan oo shaqaale Hindi ah, iyada oo in ka badan 2.7 milyan ay ku nool yihiin Sacuudi Carabiya iyo ku dhowaad 30 boqolkiiba wadarta guud ee Imaaraadka oo ka kooban Hindida.
Sanadihii la soo dhaafay, Imaaraadka iyo Sacuudi Carabiya, oo dhaqan ahaan iska ilaalin jiray xiriir dhow oo milatari oo lala yeesho Hindiya ee Pakistan sababo la xiriira dagaalka ka dhexeeya, waxa ay hada xiriir dhaw la samaysteen New Delhi.
Labada dal waxa ay abaalgudkooda ugu wayn siiyeen Ra’iisul wasaare Modi – taasoo muujineysa xiisaha ay u qabaan in ay ganacsi la sameeyaan New Delhi.
Imaaraadka iyo Sacuudi Carabiya waxa ay dhisayaan warshad aad u baaxad weyn oo $ 42bn ah oo kiimikada laga sameeyo oo ku taal gobolka Maharashtra ee Hindiya maadaama ay u arkaan Hindiya in ay tahay macmiilka ugu weyn ee tamarta.
Si kastaba ha noqotee, dadka u ololeeya xuquuqda Islaamka, waxa ay ku dhaleeceeyeen Abu Dhabi iyo Riyadh in ay sharfeen Modi, oo lagu eedeeyay in uu takooray Muslimiinta Hindiya, oo ah tirada ugu yare e waddanka.
Imaaraadka iyo Sacuudi Carabiya ayaa ka aamusay xaaladda Kashmir.
Sannadkii hore, New Delhi waxa ay laashay xaaladdii gaarka ahayd ee dastuurku damaanad qaaday ee Kashmir oo ay maamusho Hindiya – oo ah gobolka keliya ee Hindiya ugu badan ee Muslimiinta ah.
Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadku waxa ay ka aamuseen arrinta Kashmir, iyagoo ka careysiiyay Islamabad. Bishii la soo dhaafay, Imaaraadku wuxuu joojiyey bixinta fiisooyinka shaqada iyo fiisooyinka dal-ku-galka dadka ka socda 13 dal oo ay Pakistan ka mid tahay.
Michael Kugelman, oo ah ku xigeenka agaasimaha barnaamijka Aasiya ee xarunta Wilson ee fadhigeedu yahay Maraykanka, ayaa sheegay in astaamaha wada shaqeynta sii xoogeysaneysa ee India iyo Saudi Arabia in muddo ahba la soo bandhigayay.
“Hindiya, waa qayb ka mid ah dadaalka lagu kordhinayo la-hawlgalayaasheeda Bariga Dhexe, gaar ahaan iskaashiga tamarta xilligii ay joojisay alaabtii laga keeni jiray Iran sababo la xiriira nidaamka cunaqabateynta Mareykanka,” ayuu yiri Kugelman.
Wuxuu intaa ku daray in xifaaltanka Sacuudiga iyo Iiraan uu si xawli ah uga sii darayo, gaar ahaana ka dib isbedelkan cusub ee dhowr waddan oo Khaliijka Carabtu ku aqoonsadeen Israel.
“Waxa ay macno u tahay in Riyadh ay dooneyso in ay keento New Delhi, oo xiriir sii kordheysa la leh Israel, oo ay ka ag dhowaato dhinaceeda,” ayuu raaciyay.