Musharax Madaxweynaha Soomaaliya kana mid ah Midowga musharixiinta ayaa waxaa uu kulan la qaatay qaar kamid ah Dhalinyarada ku nool gobolka Banaadir, iyaga oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah.
Kulanka intii uu socday ayaa labada dhinac waxaa ay iska wareysteen xaaladda Guud ee dalka oo siwadajir ah ugu hayeen laxaw iyo dareen muwaadinnimo, iyada oo Musharax Daahir Geelle uu farrin u diray dhalinyaradii uu la kulmay.
Waxaan ugu laab qaboojiyay in aan xaalad kasta oo adag uga bixi karno in aan la nimaadno isbedel dhab ah, si Soomaaliya looga dhigo meel dhallinyaradu ku noolaan karto ayuu yiri” Musharax Daahir Geelle.
Musharax Madaxweynaha Soomaaliya kana mid ah Midowga musharixiinta ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu wday kulamo kala duwan oo ku saabsan ololihiisa doorashada maadaama uu kamid yahay musharixiinta ugu cad cad ee doorashada 2021.