Murashaxiinta Mucaaradka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay dedaalkooda ku jiraan umuuqataa mid ay Doorashada dib udhaceeda ka shaqeenayaan.
Ma cada sida ay ku suurta gali karto Qabasho doorasho Xilligeeda ah oo qeybtood jadwalka uu fashilmay.
Aqalka Sare ayaa lagu waday in 1 December ilaa 10 December lasoo doorto,mana muuqato ilaa hadda in lasoo dooran doono.
Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa 10 ilaa 27 Bishaan loo qorsheeyey in lasoo doorto,lamana oga in la dhaqan gelin doono iyo inkale.
Doorka Muuqda ayaa ah in la helo Jadwal sax ah oo Mucaarad iyo muxaafad isku wada ogol yihiin,Qaarkood Murashaxiinta Madaxweynaha ma heystaan Dhaqaale ay kula baratami karaan Madaxweyne Farmaajo.
Waana tan cadeynta u ah in Doorashada dib uga dhacdo Wakhtigii loo asteeyey,islamarkaana la sheegay in dhowr mar laga digayey arintaas inay dhacdo.
Madaxda Dalka hadda hogaamisa waxay sheegeen marar badan in aysan marnaba dib uga dhici doonin xilligeeda Doorashada Soomaaliya.