Mar kasta oo ay xiddigaha Bollywood-ka ka baxayaan guryahooda, xilliyada ay filimada soo duubayaan, filimada soo xayeysiinayaan, xafladaha tagayaan, munaasabadaha abaalmarinnada ka qeyb galayaan, ama xafladaha aroosyada aadayaan, waligood lama arkin iyagoo kaligood ah.
Waxaa mar kasta la socda ilaalo. Ilaaladan waa khasab in ay xiddigaha filimada raacaan, sababtoo ah waxay jilayaashu leeyihiin taageerayaal badan oo mararka qaar aan la xakameyn karin marka ay meel ku arkaan.
Sidaas darteed, ilaaladan ayey shaqadooda tahay inay xiddigahaas difaacaan marka ay shacabku ku xoomaan.
Waayadii hore inta badan rag ayaa la siin jiray shaqada ilaalada jilayaasha, laakiin sannadihii dambe dumar badan ayaa shaqadan helayay.
Si tartiib tartiib ah ayey u badaneysay tirada haweenka ilaalada u noqonaya jilayaasha filimada ee Hindiya, hase yeeshee fayraska corona iyo xayiraaddii dhaqdhaqaaqyada ee mudadada dheer jirtay ayaa sii xoojiyay baahida loo qabo in ilaalo ay la socdaan jilayaasha.
Sida ay horay shaqada ahaan jirtay
Kahor inta uusan dillaacin cudurka safmarka ah, duubista filimada waxay u socon jirtay si aan kala joogsi lahayn. Filimada uma aysan baahnaan jirin in la xayeysiiyo ama magaalooyinka loo tago si dadka loo jecleysiiyo.
Markaas ilaalada waxay shaqadooda ku ekeyd waqtiyada ay atooreyaasha ama atariishooyinku filimada ku jilayaan meelaha jidadka ah iyo goobaha dadka dhexdooda ah.
Mas’uuliyaddoodu aad bay u yareyd, mar mar unbeyna dhici jireen xayeysiimaha loo sameeyo filimada ee jilayaashu ay shacabka ugu tagaan.
Dumar faro badan ayaa hadda u xusul duubaya si ay ugu biiraan ilaalada xiddigaha Bollywood-ka, kuwo kalena wayba heystaan shaqadaas.
Fahmida Ansari, oo 42 jir ah, waxay caan ku tahay inay ka mid tahay gabdhaha ilaalada u ah jilayaasha Bollywood-ka.
Wareysi gaar ah oo ay siisay BBC-da laafteeda af Hindiga ayey ku tidhi: “Raggu way helaan shaqo laakiin annagu badanaa ma awoodno inaan noqonno dumar ilaalo ah, waxaa nagu kallifaya nolosheenna oo adag iyo dhibaatooyinka aan la kulanno, walina way sii adkaanayaan xaaladaha ay dumarka wajahaan.”
Fahmida waa iskaabulo tan iyo 17 jir markii ay ahayd
Fahmida Ansari waxay sheegtay in tan iyo markii ay da’deeda ahayd 17 jir ay soo ahayd hooyo iskaabulo ah.
“Seygeygii hore waligiis ima uusan weydiinin xaaladda gabadheenna ilaa mar dhow laga soo gaaray. Sidaas darteed waxaan go’aan ku gaaray in aanan waligeyn nin guursanin mar kale, oo gabdheyda aan kaligey iska korsado. Qof aan saaxiib nahay ayaa iisoo bandhigay shaqada ilaaliyenimada, waan ka aqbalay waxaana billaabay inaan waardiye u noqdo xiddigaha filimada,” ayey tidhi.
Waxay ilaalo ka ahayd filimada ay ka midka yihiin Zero, Super 30, Padmavat, Mardaani, Kalank, iyo xafladdii arooska ee atariishada Sonam Kapoor. Sidoo kale waxay mar walba ka dhex muuqataa ilaalada xayeysiimaha ay jilayaashu u sameeyaan filimadooda.
Filimka lagu magacaabo Zero, waxaa jilayaashiisa ugu waaweyn ka mid ah Shahrukh Khan, Katrina Kaif iyo Anushka Sharma.
Fahmida waxay ilaalo u ahayd xiddigahaas caanka ka ah Bollywood-ka Hindiya.
Waayadii hore, shaqada noocan ah waxaa ugu badnaa ragga.
Fahmida waxay sheegtay in markii ugu horreysay fursadaha shaqadan ay dumarka siisay shirkadda amniga ee uu leeyahay jilaaga lagu magacaabo Ronit Roy, kaddibna uu ku xigay Deepak Singh oo ay qaraabo yihiin Ron, kaasoo isagana dumar ka shaqaaleysiiyay shirkaddiisa amniga ka howlgasha ee Dom.
Iyadoo arrintaas ka hadleysa ayey Fahmida tidhi: “Way nagu kalsoonaayeen, waxayna na siiyeen fursado badan. Hadda iyaga laftooda shaqo nooma hayaan. Taas iyaga khalad kuma laha, sababtoo ah haddiiba aysan shirkadaha filimada dalbanin in amnigooda la sugo, iyaguna shaqo nooma heli karaan.”
“Xayiraaddii dhaqdhaqaaqyada kaddib, Sanjay Leela Bhansali oo kaliya ayaa na soo wacay oo aan u shaqeynay, cid kalena ma jirin. Waxay u muuqataa in corona uu annaga dhibaato gaar ah nagu yahay dumar ahaan. Arrintan waxay ku socotaa in aan baahi u dhimanno. Waxaa jira dumar ila mid ah oo maalin kasta waca shirkadaha amniga, oo weydiiya inay wax shaqo ah u hayaan wali.”
Sida Fahmida oo kale, waxaa jirta Zarine Rafiq Sheikh oo iyaduna ilaalo u ahayd xiddigaha Bollywood-ka afartii sano ee lasoo dhaafay.
Waxay tidhi: “Filimada aan ilaalada ka ahaa waxaa ka mid ah Super-30, Zero, Chhapak, iyo Kalank, sidoo kalena waxaa ka soo shaqeeyay xaflado waaweyn.”
Zarine oo ka hadleysay arrinta ku saabsan caqabadaha heysta dumarka ilaalada u ah jilayaasha ayaa tidhi: “Aad bay u culus yihiin shaqooyinkan. Muddo dheer ayaa la taagnaadaa. Marka ay jilayaashu u baxayaan xayeysiinta filimadooda, waxaa ku soo xooma dadweyne badan, annaga shaqadeennuna waa inaan dadkaas ka ilaalinno.”
“Mararka qaar waa nala riixaa, mararka qaar dadka waan ku xanaaqnaa, kaddib dadka dib ayey noogu soo jeestaan wayna na aflagaaddeeyaan, laakiin waa inaan iska dulqaadanno. Dadka qaarkood wax bay ku tuuraan xiddigaha balse shaqadeenna waa inaan ka ilaalinno inay wax dhaawac ah kasoo gaaraan. Waxaa kale oo aan ka hor tagnaa in jilayaasha aan lagu khasbin inay dadka qaar sawirro la galaan.”
Sunita Nikalje, oo iyaduna ilaalada jilayaasha Bollywood-ka ka mid ahayd muddo saddex sano ah, ayaa sheegtay inay jeceshahay shaqadaas.
“Qoyskeyga waxay ka kooban yihiin soddohdeey, labo carruur ah iyo seygeyga. Dhowr sano ka hor, shil uu seygeyga galay ayuu ku waayay shaqadiisii dhaawac madaxa kasoo gaaray awgiis, xilligaas wixii ka dambeeyayna mas’uuliyadda reerka aniga ayey dusha iga saarneyd.”
“Aniga iyo qoyskeygaba waan jecel nahay shaqadeyda sababtoo ah aad baa naloogu xushmeeyaa halkan. Qoyskeyga aad bay u farxaan marka ay qaraabada kale u sheegayaan inaan ilaaliyo xiddigaha filimada, lacagta nala siiyana way fiican tahay, jilayaasha ayaa si aad ah noo xushmeeya.”
‘Mararka qaar waa inaad feejignaato’
Shaqada amniga ka sokow, waxay haweenkan ilaalada ah sameeyaan howlo ay ka mid tahay in la dhowro xuquuqda filimada, sida ay sheegtay Sunita.
“Mar kasta oo duubista lagu sameynayo meel bannaan ah, dadku waxay na weydiiyaan in goobtaas filim lagu duubayo, annaguna been ayaan u sheegnaa oo waan ka qarinnaa filimka la duubayo magaciisa, sababtoo ah haddii aan u sheegno in uu Shahrukh Khan joogo meeshan, dadkaas maalintii oo dhan waxay u taagnaanayaan inay na dhibaan, sidaas awgeed mararka qaarkood waa inaad feejignaato.”
“Mararka qaar waa inaan si adag u shaqeyno marka filimada la jilayo, dadkana waa in aan tusno indho kulul sababtoo ah marka ay duubista filimka socoto qaar ka mid ah jilayaasha heerka hoose ah ayaa muuqaallo iyo sawirro ku qaada telefoonnanooda, sidaas darteed waa inaan baaritaan ku sameyno oo ka qaado telefoonnada. Maxaa yeelay haddii sawirradaas internet-ka la galiyo waxay ka dhigan tahay in aannaan shaqadeenna si wanaagsan u qabanin.”