Qaar ka mid ah wargeysyada Carabta iyo bogogga Internet-ka ayaa waxay wax ka qoreen booqashada uu Sacuudiga iyo Qadar toddobaadkan UU ku tagayo Jared Kushner, oo ah la taliyaha Aqalka cad ahna wiilka uu Soddoga u yahay madaxwayne Donald Trump.
Qaar ka mid ah dadka wax qora ee Carbta ayaa waxay ku sheegeen u jeedada booqashadiisa inay tahay Mareykanka oo doonaya inuu toddobaadyada soo socda uu weerar ka fuliyo Iiraan “iyada oo la xaddidayo baaxadda weerarka amaba la balaarinayo.”
Qaar kale ayaa qaba in booqashada Kushner ay tahay mid uu ku doonayo inuu ku xaliyo khilaafka Khaliijka ee u dhaxeeya dalalka Sacuudiga, Imaaraaka iyo Baxrey oo dhinac ah iyo dowladda Qadar.
“Weerar lagu qaado Iiraan”
Abdel Bari Atwan oo wax ku qora wargeyska Rai Al-Youm ee ka soo baxa London ayaa yiri: “ma rumeysnin in wiilka uu soddogga u yahay Trump uu doonayo inuu qaado tallabao ay dan ugu jirto Carabta, sababta ah waxaa jirta arrin uga muhiimsa oo ah in la jabiyo takoorka lagu hayo Israa’iil islamarkana Carabta iyo Israa’iil la isu soo dhaweeyo.
Qara ka mid qoraayada ayaa waxay ku tilmaameen u jeedada ka dambeysa booqashada, Mareykanka oo damacsan in uu weerar “xaddidan ama dhameystiran uu ku qaado Iiraan toddobaadyada soo socda.”
Qoraaga lagu magacaabo Atwan ayaa intaa ku daray: “Dhammaan wararka loo dusiyay wargeysyada Mareykanka sida wargeyska ‘Wall Street Journal’, oo ah wargeys uu aad u jecelyahay Trump taasi oo ah in booqahada Kushner iyo kooxdiisa u jeedadeedu tahay inay dib u heshiisiin u sameeyaan Qadar iyo Sacuudiga, waa been iyo marin-habaabin, waxaana lagu qarinayaa u jeedada wayn oo ah in Iiraan la weeraro toddobadayada soo socda”
Waxaa uu qoraagan is waydiiyay, sababta uu Kushner 4 sano ee u dambeysay oo uu xilka hayay uusan si dhab ah isugu dayin in uu dalalkan heshiisiiyo, iyo sababta isaga oo 6 toddobaad u harsan tahay uu imika u soo xusuustay?
Dhanka kale qoraaga lagu magacaabo, Bassam Al-Amoush oo wax ku qora barta internet-ka ee “Ammon” ayaa yiri, “booqashada uu Kushner ku marayo gobolka waa mid cadeynaysa in arrinta Iiraan ay miiska saaran tahay islamarka dowladda Iiraan uusan u furnayn khiyaar aan ka ahayn in ay dib u gurtaan inta ay duufaanta dhaafeyso.”
“Xalka khilaafka Khaliijka waxay u taalla Khaliijka.”
Abdul Moneim Ibrahim, oo ka howlgala wargeyska ka soo baxa dalka Baxreyn ee “Gulf News”: ayaa sheegaya in ila-wareedyada laga helayo booqashada ” Jared Kushner ee Sacuudiga iyo Qadar ay muujinayaan in diiradda lagu saari doono xal u helidda khilaafka u dhaxeeya Qadar iyo dalalka kale ee Khlaiijka.”
Abdul Moneim Ibrahim, oo ka howlgala wargeyska ka soo baxa dalka Baxreyn ee “Gulf News”: ayaa sheegaya in ila-wareedyada laga helayo booqashada ” Jared Kushner ee Sacuudiga iyo Qadar ay muujinayaan in diiradda lagu saari doono xal u helidda khilaafka u dhaxeeya Qadar iyo dalalka kale ee Khlaiijka.”
Qoraaga lagu magacabo Abdulaziz Al Ishaq oo wax ku qora wargeyska Al Sharq, ee ka soo baxa Qadar ayaa sheegaya in Kushner uu imika isku dayayo in uu xaliyo dhibaatadii ugu wayneyd ee uu isaga iyo maamulka Trump ay abuureen taasi oo ah go’doomintii Qadar.
Khilaafka Khaliijka ayaa ahaa mid taagnaa snaooyiinkii u dambeeyay kaasi oo xal u helidiisa loo maara waayay.
Dalalka Baxreyn, Sacuudiga, Imaraadka iyo Masar ayaa waxay go’doomin ku soo rogeen dalka yar ee Qadar oo ay ku eedeeyeen in uu argagixisada taageero.