Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay xubnihii uu shalay magacaabay ayaa yiri “Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Afhayeenka Xukuumadda oo aan ku soo xulay aqoon, karti iyo hufnaan ayaan kula dardaarmay howl gudasho wanaagsan, anigoo Eebbe uga rajeynayaa in uu ku garab galo xilalkooda.”
Sidoo kale maanta ayaa waxa uu Mudane Rooble magacaabay Agaasimaha Habmaamuuska Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Faarax Sabriye.
Tani ayaa ka dhigan in xiriirkii toos ugala dhaxeeyey Xafiisyada Ra’isalwasaaraha iyo kan Madaxweynaha uu go’ay.
Shaki Siyaasadeed ayaa ku geedaaman xilalka uu Ra’iisal wasaare Rooble magacaabay iyadoo xaalad kala guur Dalka ku jiro.