GARBAHAAREY:-Gudoomiyaha gobolka Gedo ayaa maanta kullan la qaatay maamulka Degmada Luuq waxaana inta badan kullanka ayaa inta badan diirada lagu saaray abaaraha soo wajahay gobolka Gedo iyo baahiyaha aas-aasiga ah ee ay qabaan dadka dan yarta ah ee ku nool guud ahaan gobolka Gedo.
Gudoomiyaha Dagmada Luuq Axmed Buule Gareed ayaa ka codsaday Dowlada Federalka ah ee Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka in ay gobolka soo gaarsiiyaan kaalma bini aadannimo.
Gudomiyaha Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji Macalimu ayaa waxaa uu baaq u diray dowlada Federaalka Soomaaliya si caawimaad soo gaarsiiyo gobolka Gedo, isagoo sheegay in gobolka ay ka jirto roob yari islamarkana loo baahan yahay in kaalmo la gaarsiiyo dadka danyarta ah.