Iyadoo lagu jiro maalmihii ugu dambeeyay ee Trump ee Aqalka Cad, ayaa waxaa dhismaha aqalka ka jirta aamusnaan.
Brian Morgenstern, oo ah ku xigeenka agaasimaha warfaafinta, wuxuu xirnaa jaakad ay ku xardhan tahay astaanta Aqalka Cad, isagoo ku sugnaa xafiiskiisa ku yaalla West Wing. Jaakadda waxaa ilaa kor u xirnaa shinyeerka, isagoo u muuqday inuu sii baxayo. Qolka oo wax yar u jira xafiiska Oval, wuxuu ahaa mugdi.
Madaxweynaha, wuxuu ku sugnaa qeyb kale oo Aqalka Cad ka tirsan. Xilligaas, Donald Trump wuxuu sameecadda telefoonka kula hadlayay Rudy Giuliani, oo ah madaxa kooxda sharciga ee la loollameysa natiijada doorashada, iyo koox xildhibaanno ah oo isugu timid “dhegeysiga”, sida ay hadalka u dhigeen, hoteel ku yaalla Gettysburg, Pennsylvania.
“Doorashadana waa lagu shubtay mana oggolaan karno,” ayuu yiri madaxweynaha.
Morgenstern wuxuu doorashada kala socday kumbiyuutarkiisa. Xoogaa kaddib wuxuu ku dangiigsaday kursigiisa wuxuuna la hadlay qof soo booqday isagoo kala sheekeystay kuleejka, guryaha, kubadda gacanta, iyo sidoo kale guulaha madaxweynaha.
Dadaallada Trump ee ah inuu la loollamo natiijada doorashada ee gobolka Pennsylvania ayaa guul darreystay Jimcihii. Xaakim ku sugnaa maxkamadda racfaanka ayaa sheegay in sheegashadiisa aysan sal lahayn. Waxaa muuqatay in madaxweynaha la doortay ee Joe Biden uu gobolkaasi ku guuleystay ilaa 80,000 oo cod ah.
Codadka Arizona waxaa la ansixiyay Isniintii sidoo kalena Wisconsin goor dhow ayaa la filayaa – labada gobolba Biden ayaa ku guuleystay. Saraakiisha dowladda ayaa bilaabay inay ka shaqeeyaan xil-wareejinta, madaxweynaha cusub ayaana shaqada bilaabaya 20-ka January.
Trump ayaa weli sheeganaya guul. Laakiin gudaha Aqalka Cad, dadku waxay arkaan sida ay wax u socdaan. Way ogyihiin in maalmaha ay ku sugan yihiin West Wing ay xisaabsan yihiin. Waxay sidoo kale ogyihiin in ninka madaxda u ah uu guul darreystay.
Morgenstern ayaa qaba in wax walba ay sidoodii yihiin: “Weli si adag ayaan u shaqeyneynaa.” Ayuu yiri. Wuxuu aha qofka keliya ee ku sugnaa xafiisyada West Wing.
Caadi ahaan, xafiisyadaas waxaa ka buuxa dad – kalkaaliyeyaal shaqeynaya saacadaha oo dhan. Balse hadda xaalku sidaa maaha
Jack O’Donnell, oo mar u shaqeyn jiray Trump, ayaa sheegaya inuu fahansan yahay sababta dadka u shaqeeya madaxweynaha aysan u hadleynin hadda.
“Waxaad ku dul socotaa qolofta ukunta. Qofna ma doonayo inuu wax khaldan sheego.”
O’Donnell ayaa dib u xusuusanaya, Trump ayaa ku dhex socday qol ka mid ah guri uu dhisme ku socday. “Arrimo ayaa jiray,” ayuu yiri O’Donnell. Wuxuu kala jeeday waxyaabo ka khaldanaa dayactirka, oo uu Trump durba arkay.
“Kor ayuu u booday wuxuuna feer ku duftay saqafka” ayuu yiri O’Donnell. “Qofna ma doonayo inuu agtiisa joogo markii uu careysan yahay.”
Carada iyo hanka madaxweynaha waa kuwo soo jireen ah. Wuxuu caan ku ahaa dafiridda guul-darrada, waana hannaan hoggaan oo ka soo bilowday xilli hore.
Wuxuu ka soo muuqday qolka shirka jaraa`id toddobaadkii hore, isaga oo ku faanaya suuqyada saamiga. Waxay jebiyeen rikoorka ah 30,000. Madaxweynaha ayaa sheegay in Morgenstern, uu “u dabaal degayay guusha suuqa oo ka mid ahayd siyaasadihiisa”, sida “sare u qaadidda heshiisyada ganacsiga” iyo “tamarta”.
Maalgashadayaasha ayaa sheegay in suuqyada saamiga ay sare u kaceen sababo la xiriira xil ku wareejinta maamulka Biden ee sida rasmiga ah loogu dhawaaqay. Balse waxayTrump la tahay, in guushaasi ay isaga u sugnaatay.
Sheegashadiisa guusha iyo diidmadiisa inuu qirto in laga guuleystay, wax saameyn ah kuma laha natiijada – xil ku wareejinta Biden way socotaa.
Welise fekerka madaxweynaha micno ayuu sameynayaa – malaayiin qof ayaa taageere u ah. Way la jirayaan marka uu ka tago Aqalka Cad, haddii uu mar kale madaxtinnimada u istaagi doono, sida ay dad badan rajeynayaan, iyo haddii kaleba.
Si uu isaga ilaaliyo guuldarrada, Trump ayaa dafira xaqiiqda, sida ay qabaan kuwa isaga yaqaanna. Wuxuu ganacsade ahaan dhowr jeer codsaday deyn cafin, wuxuuse ka dhigi jiray inay qeyb ka ahayd qorshaha. “Wuxuu dhihi jiray: ‘Si ula kac ah ayaan u sameeyay,’” ayuu yiri Jack O’Donnell, oo u soo shaqeeyay Trump, wuxuu intaas ku daray: “Waa waxba kama jiraan.”
“Waxay la tahay inaan laga guuleysan lahayn,” ayuu yiri O’Donnell, isaga oo kala jeeda doorashada. “Weligiis isma dhiibi doono. Waxay mar walba ahaan doontaa: ‘Waa leyga qaatay.’”
Trump wuxuu haatan ka dhiidhinayaa sida ay Jamhuurigu ugu badan yihiin Aqalka Sare, isaga oo qorsheynaya in Sabtida uu aado Georgia si uu u taageero musharraxiinta u tartamaya doorashada ku celiska ah.
Dhanka kale, bannaaka xafiiska Morgenstern, mid ka mid ah miisaska maran waxaa lagu xardhay: “Guul darradu ma aha ikhtiyaar.”
Hal ku dhiggaasi wuxuu soo koobayaa fekerka iyo hannaanka Trump iyo sida uu u arko madaxtinnimada – ugu yaraan ilaa uu ka tagayo Aqalka Cad.
Xigasho:BBCSomali