Maanta oo taariikhdu ku beegan tahay 27/12/2020 ayuu ku egyahay muddo xileedka Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo muddo Afar sano ah soo hayay xilalkaas, iyad aoo ay jiraan dadka ay matalayeen oo ka cabanayay Baarlamaanka oo sheegay in aysan waxba ugu qaban halka qaarkood la sheegay inay si wanaagsan ugu adeegeen bulshadooda.
Afartii sano ee la soo dhaafay Xildhibaannada golaha shacabka badnood waxaa ay qabteen xilal Wasiir, wasiir kuxigeeno iyo Agaasimayaal halka qaarkood ay fursado kala heleen, waxaana badanood ay haatan wadan sidii ay markale ugu soo laaban lahaayeen xubinimada Baarlamaanka labada Aqal.
Dalka haatan waxaa uu galayaa xilli doorasho wallow uu mran ka taagan yahay, hayeeshee sanadkii 2016-kii xilligaan oo kale waxaa doornaa Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, hayeeshee maanta ay taasi ka udwan tahay, waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal sheikh Cabdiraxmaan oo dhawaan hadlay uu sheegay in baarlamaanka 10aad ay sii joogi doonaan ilaa lag helo Baarlamaankii bedeli lahaa.