12-ka December 1963-dii ayay Dowladda Kenya Madax bannaani ka qaadatay Gumyestihii Ingiriiska ee qaybta ka ahaa dalalka reer Yurub ee kala qaybsaday Qaaradda Afrika muddo dheerna adoonsaday.
Garoonka Nyayo National Stadium oo aad loo adkeeyay ammaankiisa ayaa la geeyay ciidamada kala duwan ee dalkaas, askar gaar u ah sugidda Amniga, Shaqaalaha, Waaya-joog hore & dad laga kala keenay Xaafadaha ayaa la geeyay si ay u dhageystaan khudbadaha madaxda.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa guddoomay Hambalyo kala duwan oo madaxda caalamka qaarkood uga timid, waxaana kamid ah: Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdicasiis, Wiilka uu dhalay ee dhax sugaha ah Maxamed Bin Salmaan, Madaxweynaha Isu tagga Imaaraatka Carabta Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, Wasiirka Arrimaha Dibadda India Subrahmanyam Jaishankar & Madax kale.
Jamhuuriyadda Kenya ayaa sanadkaan qabashada munaasabadda waxa ay kusoo beegantay xili ay wajaheyso Xaalado Siyaasadeed, Caafimaad & Amni sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan Dowladda.
Kenya ayaa ku jirta Liiska 75-aad ee Guud ahaan Caalamka dalalka laga helay kiisaska ugu badan Covid-19, halka Afrika ay kasoo tiigsatay Booska 7-aad, xaaladaha laga helay waa 90,978, dhimashada 1,582 & dadka ka caafimaaday oo dhan 71,579-ruux.
Dhanka Amniga, dhibaatada ugu weyn ee Kenya heysta waa dhaqaalihii kasoo geli jiray Dalxiiska oo hoos u dhacay, maadaama ammaanka uu saameeyay isu socodka dalxiisayaasha & xayiraadda bilooyinka qaadatay ee Coronavirus ka dhalatay.
Degmooyinka xiga dhanka Soomaaliya amnigooda ma wanaagsano, waxaa lagu weeraray Ciidamada ammaanka, Gaadiidka dadweynaha gaar ahaan Basaaska & Xeryo ciidan oo meelo kala duwan ku yaalla.
Ganacasatada Qaadka ee Kenya waxa ay dhumiyeen dhaqaale aad u badan, kadib markii khilaafka Kenya & Soomaaliya uu saameeyay, waana tan keentay in dhowr jeer ay dalbadeen in xayiraadda laga qaado, xitaa waxa dirsadeen Guddi ka socda oo Muqdisho tagay balse ma badalin go’aanka joojinta dhoofinta jaadka.