Wasiirka kobcinta dimuqraadiyadda ee dalka Itoobiya Zadig Abraha oo BBC u warramay ayaa sheegay “dagaalkii TPLF lalal galay inuu soo dhammaaday howsha harsanna ay tahay hoggaanka TPLF in la soo qabto si sharciga loo horgeeyo”.
Sabtida barri ah ayaa noqoneysa maalinti toddobaad xilligi ay dowladda dhexe ee Itoobiya ku dhawaaqday ciidamadeeda iney la wareegeen caasimadda Tigraay ee Maqale.
Halka ay hoggaanka TPLF ee dhuumaaleysiga ku jira ay sheegayaan iney dagaalka weli fari ka qodneen.
Guddoomiyaha Jabhadda Xureynta Shacabka Tigraay ee TPLF Debretsion Gebre-Mikael iyo Getachew Reda oo ah xubin sare oo ka tirsan hoggaanka TPLF oo telefishiinka Tigraay maalinti shalay ahayd u warramay waxay sheegeen “Dagaalka inuu soo afjarmin, uuna soo afjarmeynin”.
Hase yeeshee, Wasiirka Kobcinta Dimuqraadiyadda Zadig Abraha wuxuu sheegay “awoodda TPLF ay wakhti xaadirkan ku sugan tahay iney ahayn mid ay dagaal ku sii wadi karto, ciidama u dagaallama iyo hub culus oo ay ku dagaallamaan midna aysan haysan, taageera shacabna sida oo kale ma haystaan”.
Toddobaadki la soo dhaafay ciidamada dowladda Itoobiya marki ay qabsadeen magaalooyinka ugu waaweyn deegaanka Tigraay, hoggaanka TPLF waxay isaga baxeen caasimadda Maqale, iyaga oo sheegay iney dagaalka sii wadayaan.
“Ciidamada Federaalku caasimadda Maqale wey qabsadeen, balse Maqale oo ay ciidamada qabsadaan iney ka dhigneen, magaalada oo ay hanteen, hanashadu waa taageerada shacabka oo la hantiyo” ayuu yiri Getachew Reda.
Dagaalka ay ciidamada dowladda ku qabsadeen magaalada Maqale waxaa ka soo baxaya warar sheegaya iney dad rayad ah wax ku noqdeen, inkasta oo ra’isal wasaare Abiy Axmed oo baarlamaanka dalkaasi la hadlayey uu sheegay “Hal qof oo rayad ah inuu dagaalkaasi wax ku noqonin”.
Zadig Abraha oo ka hadlay amuurtaasina wuxuu sheegay dowladda iney dadaal aan yareyn ay u gashay waxyeellada dagaalka ka soo gaari karta shacabka rayadka ah sidaa darteed, sidaa darteed ay jirin dad rayad ah oo dagaalkaasi waxyeello ay ka soo gaartay.
“Dagaalka deegaanka Tigraay ka dhacay wuxuu ahaa mid sharciga iyo kala dambeynta lagu soo celinayo oo lagula jiray xoogagga TPLF balse ma ahayn mid shacabka deegaankaasi lala galay” ayuu yiri.
Wuxuuna intaasi ku daray “Shacabka dagaalkaasi waxyeello kama soo gaarin markaynu leennahay waxaan ka hadleynaa dhanka dowladda balse dhanka TPLF waxyeellada ka timid kama hadlayno maadaamaa inta uu dagaalka socday ay shacabka gabbaad ka dhiganayeen”.
Hoggaanka TPLF waxay marar badan ciidamada dowladda ku eedeeyeen shacab rayad ah oo aan hubeysneyn iney waxyeello u geysteen.
Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xigatay ilo wareedyo isugu jiro diblomaasiyadda iyo hay’adaha samafalka waxay sheegtay 4 ka mid ah shaqaalaha hay’adaha gargaarka u shaqeynayay oo dhammaantood u dhashay dalka Itoobiya in lagu dilay xadka ay wadagaan Itoobiya iyo Eritrea.
Deegaanka Tigraay tani iyo marka uu dagaalka ka qarxay waxaa ka go’an adeegga taleefannada iyo Isgaarsiinta marka laga reebo magaalooyin dhowr ah oo maalmihi u dambeeyey adeeggaasi dib u helay.
Waxaana gabi ahaanba adag in la helo ilo madax bannaan oo xaqiijinayo qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi.
Waa kuwama TPLF?
Dagaalyahannada TPLF, oo badankood ka yimid koox milatariga ka tirsaneyd iyo maleeshiyo kale oo gobolka ka jirtay, ayaa loo maleynayaa inay gaarayaan 250,000.
Ururka waxaa la aasaasay sanadihii 1970-meeyadoo wuxuuna ku soo caan baxay kacdoonkii keligii taliskii Mengistu Haile Mariam, oo xukunka laga tuuray sanadkii 1991.
Waxay kaddib ahayd quwad siyaasadeed oo dalka ka jirtay ilaa Abiy uu ra`iisul wasaare ka noqdo Itoobiya sanadkii 2018.
Mr Debretsion ayaa sheegay in ciidamada Tigray ay “diyaar u yihiin inay ku dhintaan difaacidda xaqa maamulka gobolka”.