Post View....

In ka badan 10-ka mid ah Ciidamada liyuu Boolis oo weerar lagu dilay.

0
68

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degaanka Canfarta ee dalka Itoobiya ayaa waxaa la sheegay inay weerar ku qaadeen Xarun ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad degaanka Soomaalida oo ku taalla Tuulada dal la helay ee gobolka Shiniile ee dowlad degaanka Soomaalida.

Dagaal kooban ayaa halkaasi ku dhex-maray labada Ciidan, waxaana la sheegay in Ciidamada Canfarta ay dileen 13 kamid ah Ciidamada liyuu boolis oo ku sugnaa xarunta ay weerareen, iyaga oo sidoo kale qaatay agab yaallay xarunta.

Goobta dagaalka uu ka dhacay ayaa waxaa horay uga jiray muran u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta oo dhowr jeer dagaalamay, waxaana meel u dhow Saldhig ku leh Ciidamada Federaalka Itoobiya.

Ciidamo ka tirsan kuwa liyuu Boolis oo aad u fara badan ayaa gaaray degaanka dal la helay ee gobolka Shiniile, iyaga oo dib ula wareegay Saldhigii deganka oo markii hore ay la wareegeen Ciidamada ka tirsan kuwa Maamulka degaanka Canfarta ee dalka Itoobiya.

Dhanka kale maamulka degaanka Soomaalida iyo kuwa Canfarta weli kama hadlin dagaalkaas, waxaana wararka ay intaasi ku darayaan in xiisad u dhaxeeysa Ciidamada dowlad degaanka & kuwa Canfarta ay ka taagan tahay degmada Garba-Ciise iyo degaanada kale.

About Author