Maamulka G/Banaadir oo shaaciyay xilliga la soo geba-gabeynayo dhismaha wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye

65

Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magalada Muqdisho ayaa Kormeeray Wadada Xariirisa Muqdisho iyo Afgooye halkaas oo uu dhismo ka socdo.

Guddoomiyaha iyo Xubnaha la socda ayaa indha-indheeyay sida uu u socdo dhismaha wadada oo haatan meel geba-gabo ah maraya, wadadaas oo loo dhisayo laba qeybood oo gawaarida ay isku dhaafi karaan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir wuxuu sheegay in muddo laba todobaad gudahood ah lagu soo geba-gabeyn doono dhismaha wadada laamiga ah ee xiririirisa Muqdisho & Afgooye oo muhiim u ah isku socodka dadka iyo Gaadiidka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in bulshada looga baahan yahay inay ilaashadaan laamigaas loo dhisay, waxaana hadalkiisa uu intaasi ku daray in dhawaan sidoo kale la bilaabi doono dhismaha Wadada Xariirisa Muqdisho iyo Jowhar.

Dhanka kale Wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa dhismaheeda ku daatay dhig farabadan, waxaana Maanta oo kale sanadkii 2019 qarax ismiidaamin ah lagu weeraray Ex-koontorool Afgooye Gaari ay wateen Injineero Turki ah, waxaana qaraxaasi dhimasho & dhaawac uu kasoo gaaray injineerada Turkiga ahaa & dad Shacab ah.