Post View....

Galmudug oo u digtay dadka aada degaannada ay maamulaan Al-Shabaab

0
60

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin fiqi ayaa ugu baaqay inay muddo todobaad ah isku soo diiwaangeliyaan Xarunta Nabadsugida Magalada Gaalkacyo dadka aaday degaannada ay Maamulaan Al-Shabaab ee la kulmay.

Waxaa uu sheegay in cid alaala ciddii aada degaannada ay Maamulaan Al-Shabaab ee la hadasha aysan kusoo noqon doonin degaannada Galmudug, isaga oo sheegay in Wasaaradda Amniga Galmudug ay tallaabo ka qaadi doonto.

Waxaa uu ku amray laamaha Amniga Galmudug inay xiraan dadka aaday goobaha ay joogaan Al-Shabaab ee ka dhega adeegay Amarada Wasaradda, sidoo kalena la maxkamadeyn doona.

Ugu dambeyn Wasiirka waxaa uu sheegay in la mamnuucay in Magaalada Gaalkacyo lagu dhex-wato hub sharci darro ah iyo dadka iyaga oo wata dharka Shacabka qorayaha Magaalada la dhex-mara.

Dhanka kale amarkaan kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan Koonfurta Magaalada Gaalkacyo uu ka dhacay qarax ismiidaamin ahaa oo lagu dilay Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya.