Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku sugan Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa halkaasi ka bilaabay kulamo kala duwan.
Guddoomiyaha Golaha S Shacabka waxaa uu Caawa la kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ,iyaga oo ka wada hadlay Arrimo dhowr ah.
Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa ay Garoowe u tageen ka qeyb galka Shirweyne dood ah oo sidoo kale ay ka qeyb geli doonaan Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Xubno ka tirsan Midowga Musharixiinta