Markii uu bishii hore u geeriyooday Covid-19, Dr Ashraf Emarah, oo khabiir ku ahaa qalliinka qurxinta iyo dib u habeynta wejiga iyo afka, ayaa waxay taasi tooshka ku ifisay codsiga shaqaalaha caafimaadka oo dalbanaya in daryeel gaar ah loo fidiyo kuwa safka hore kaga jira la dagaallanka xanuunka safmarka ah, sida uu ku warramayo Basillioh Mutahi.
Markii uu dhaqtarka, oo ka mid ah dhaqaatiirta ugu sarreysa ee galbeedka Kenya, uu ku dhacay xanuunka, xaaladdiisa way ka sii dartay, sariiraha qeybaha daryeelka gaarka ahna ma oollin isbitaalkiisa – Moi Teaching and Referral Hospital (MTRH) ee ku yaalla Eldoret.
Dr Emarah ayaa wax soo baray ardayda isbitaalka MTRH, oo muddo tobnaan sano ahaa kan labaad ee ugu weyn dalka.
Qoyska dhaqtarka iyo saaxiibbadiis ayaa kaddib isku dayay inay u soo qaadaan magaalada caasimadda ah ee Nairobi, oo boqollaal meyl ka fog halka uu joogay.
Balse qiimaha diyaarad ambalaas ah ayaa “aad qaali u ahaa”, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan midowga dhaqaatiirta. Daawo muhiim ah oo uu u baahnaa markii ay xaaladdiisa ka dartay ayaa sidoo kale adkeyd in la helo.
“Dhaqaatiirta ayaa lacago isku daray si loogu iibiyo dawada” si xaalkiisa loo dejiyo, ayuu Dr Chibanzi Mwachonda, oo ah sii hayaha xoghayaha guud ee Midowga Dhaqaatiirta Kenya (KMPDU), u sheegay guddi baarlamaani ah.
“Waxay ahayd xaalad aad murugo u le,” ayuu yiri Dr Mwachonda, oo farta ku fiiqay in dhaqaatiirtu aysan caymis caafimaad oo ku filan ka heysan shirkadda caymiska ee qaranka.
Dhaqtarka oo xanuunsanaya ayaa loo qaaday isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla Nakuru, oo ah magaalo u dhaxaysa Eldoret iyo Nairobi, halkaas oo uu ku sugayay in sariir qeybta daryeelka gaarka ah looga helo caasimadda.
Balse maalin uun kaddib, Jimcihii 13 November, wuu geeriyooday.
Dhaqaatiir yaraan
Dr Emarah wuxuu ahaa dhaqtarkii afaraad ee geeriyooda toddobaadkaas dhexdiisa, taas oo dhibaato ku ah dal ay qiyaastii ku nool yihiin 7,000 oo dhaqaatiir ah iyada oo bulshada dalkana lagu qiyaaso 48 milyan.
Toddobaad kahor geeridiisa, wuxuu fulinayay qalliin isaga oo korjoogteynayay arday, kahor intuusan isku arkin calaamadaha maalmo kaddib, saaxiibkiis Dr Anthony Akoto ayaa sidaas u sheegay BBC-da.
“Wuxuu dhintay isaga oo safka hore ku jira, shaqadiisa ku guda jira,” ayuu yiri Dr Akoto, oo sidoo kale ka tirsan midowga dhaqaatiirta, isaga oo tilmaamay in geeridu ay la tagtay dhaqtarkii qalliinka qurxinta ee keliya ee khibrad heerkaas ah lahaa ee galbeedka Kenya.
“Dalku wuxuu leeyahay dhaqaatiir aad u yar oo kuwa qalliinka qurxinta ah. Marka la eego heerkiisa, isaga un baan heysannay, inkastoo ay jiraan dhaqaatiir kale oo soo kacaya, balse weli baahi ayaa jirta.”
Liiska la sameeyay sanadkii 2018 ee waaxda dhaqaatiirta Kenya waxaa keliya ku jiray afar dhaqtar oo ku takhasustay qalliinka qurxinta oo Kenya ku sugan .
Dr Emarah oo u dhashay Masar wuxuu Kenya yimid 30 sano kahor, waxay saaxiibbadiis ku sheegaan la taliye, macallin iyo dhaqtar qalliin oo sare oo si weyn loogu xiisi doono.
‘Uma maleynayo inaan sii noolaan doono’
Dhaqtarka waxaa lagu yaqaannay inuu qalliin dib u habeyn ah ku sameeyay kumannaan carruur ah oo faruurnaa, kana caawiyay inay dhoolla-caddeeyaan, isla markaana uu khibraddiisa u gudbiyay dhaqaatiirta qalliinka ee dalalka deriska la ah Kenya sida Soomaaliya, Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo.
“Waxaan u baroor diiqeynaa saaxiibkeen,” Smile Train Africa, oo ka mid ah hay`adihii uu la soo shaqeeyay ayaa sidaas ku soo qortay barta Twitter-ka iyadoo raacisay sawirka dhaqtarka iyo qaar ka mid ah carruurtii uu qalliinka ku sameeyay.
Tan iyo intii coronavirus laga helay Kenya bishii March, ugu yaraan 14 dhaqtar ayaa u geeriyooday xanuunka.
Shalay, KMPDU ayaa ku dhawaaqday geerida Dr Stephen Mogusu kaddib markii uu ku dhacay Covid-19.
Waxaa intaas dheer, ugu yaraan 20 kalkaaliyeyaal ah iyo 10 saraakiisha caafimaadka ah ayaa u dhintay cudurka.
“Waa xilligii ugu adkaa ee isoo mara sanadkan… Mararka qaar waan quusan jiray – Waxaan is oran jiray: ‘Uma maleynayo inaan sii noolaan doono,’” ayuu u sheegay telefishinka maxalliga ah ee NTV.
Tirada kiisaska coronavirus ee Kenya ayaa kordhayay toddobaadyadii la soo dhaafau, iyadoo bishii November la diwaan geliyay tiradii ugu sarreysay ee maalinlaha ah iyo sidoo kale tirada dhimashada tan iyo intii xanuunka laga helay dalka.
Kenya waxay ilaa iyo haatan diwaan gelisay in ka badan 88,000 oo kiisaska coronavirus ah, ayna ku jirto in ka badan 1,500 oo dhimasho ah.
‘Waxaan u baahannahay in nala dhowro’
Dr Doreen Lugaliki, oo ku takhasustay cudurrada haweenka ayaa noqotay dhaqtarkii ugu horreeyay ee Kenya ugu geeriyooda cudurka coronavirus. Waxay jirtay 39 markii ay geeriyootay 10 July.
Toddobaadkii uu Dr Emara geeriyooday, Dr Vladimir Schuckin, oo ku takhasusay qalliinka dhimista miisaanka, Dr Hudson Inyangala, oo caafimaadka bulshada ku takhasusay iyo Dr Robert Ayisi, oo dhaqtar arrimaha carruurta ahaa ayaa dhammaantood geeriyooday. Midowga ayaa ku boorriyay dhaqaatiirta inay ka fariistaan shaqada “haddii ay ku sugan yihiin deegaan aysan badqab ku dareemeynin”.
Iyadoo ay sii kordheen tirada dhaqaatiirta u geeriyooday xanuunka, dowladduna ay u muuqato mid aan awoodin inay si degdeg ah wax uga qabato xaaladda, ayaa dhaqaatiirtu waxay ku baaqeen shaqo-joojin ka bilaabaneysay shalay, kahor inta aysan dib u dhigin muddo labo toddobaad ah, si ay albaabka ugu furaan wada hadal.
“Sidee ayaad ugu guuleysaneysaa dagaal iyada oo ay dhammaan ciidamadaada dhimanayaan? Waxaanu u baahannahay in nala dhowro,” Dr Mwachonda ayaa u sheegay guddi baarlamaani ah.
Markii uu ka hadlayay xaaladda ba`an ee ay ku shaqeeyaan shaqaalaha caafimaadka Kenya, qaar ka mid ah xildhibaannada ayaa la ilmeeyay.
Labo urur oo kale oo wakiil ka ah kalkaaliyeyaasha iyo shaqaalaha caafimaadka oo shaqo-joojinta sii waday ayaa sidoo kale ka cawday xaaladaha ay ku shaqeeyaan iyo sida ay dowladda ula tacaaleyso xanuunka safmarka ah.
Ururrada caafimaadka ayaa ka cawday arrimo ay ka mid yihiin adeegyada liita ee isbitaallada dadweynaha, shaqaale yaraanta, qalabka difaaca dhaqaatiirta oo yar iyo adeegyada caymiska caafimaadka oo aan wanaagsaneyn.
“Waxaanu dareemeynaa in dowladdu ay dayacday shaqaalaha daryeelka caafimaadka, kuwaas oo iskood isku daryeela. Ma heysanno qalabka difaaca oo nagu filan, dhaqaatiirtu waxay iska ururiyaan lacagta daweynta marka uu midkood xanuunsado isaga oo shaqadiisa ku guda jira,” ayuu Dr Akoto u sheegay BBC-da.
“Waxaan dareemeynaa inaysan dowladdu arrintan u qaadaneynin si dhab ah.”
‘In gaashaan la`aan la wajaho cadowga’
Waasaradda caafimaadka ayaa garwaaqsatay qaar ka mid ah arrimaha ay soo jeediyeen ururrada dhaqaatiirta, balse waxay beenisay inay dayacday shaqaalaha iyada oo sheegtay in baahiyaha ay qabaan la xallin doono uuna socdo wada tashi.
“Dayacaadda ciidamadeenna waxay ka dhigan tahay in gaashaan la`aan la wajaho cadow,” ayay tiri Mercy Mwangangi oo wasaaradda ka tirsan.
Qaar ka mid ah dhibaatooyinka ka jira adeegyada caafimaadka ee Kenya ayaa lala xiriiriyay musuqmaasuqa, waxaana jiray eedeymo ku saabsan in lacagihii loo qoondeeyay la dagaallanka coronavirus loo adeegsaday dano ka
Bishii September, hay`add aka hortagga musuqmaasuqa ee Kenya ayaa soo jeedisay in dacwado lagu soo oogo saraakiil sarsare oo ka tirsan Waaxda Dawooyinka ee Kenya (Kemsa) kuwaas oo lagu eedeeyay musuqmaasuq.
Arrintan ayaa weli baaritaan lagu hayaa kaddib markii dacwad ooge sare uu diiday inuu ansixiyo eedeymaha. Kuwa eedeymaha loo soo jeediyay ayaa beeniyay inay wax khalad ah sameeyeen.
“Waa arrin laga xumaado… Waxaa jooga dhaqaatiir safka hore kaga jira la dagaallanka xanuunka safmarka ah oo aan muddo afar bilood ah mushaar la siin, haddana waxaad maqleysaa in musuqmaasuq awgiis ay balaayiin shilin nooga maqan tahay gacanta wasaaradda caafimaadka iyo Kemsa,” ayuu Dr Akoto u sheegay BBC.