Cadaado:-Wararka aan saakay ka heleyno deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay ganacsade caan ka ahaa deegaankaas.
Marxuumka la dilay ayaa lagu magacxaabi jiray Daahir Cabdulle Cagawayne, waxaana gacanta lagu dhigay ninkii dilay, kaas oo haatan ku xiran saldhigga booliska ee deegaankaas, sida ay noo sheegeen dad ku sugan Godinlabe.
Dilkaas waxaa la sheegay inuu salka ku hayo aano qabiil oo mudo ka taagneed deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud, waxaana la sheegay in meydka marxuumka loo qaaday deegaanka Mareergur.