Kooxda Galmudug ayaa markii ugu horeysay taariikhda u soo baxday finalka koobka maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ka dib markii ay 2-1 kaga badiyeen kooxda Puntland ciyaar adag oo aad u xamaasad badneyd oo ka dhacday garoonka Eng Yariisow ee magaalda Mudqdisho.
Labo gool uu saxiixay Maxamed Maxamuud ayaa guusha u sahlay Galmudug iyagoo finalka ku sugaya kooxdii soo baxda Banaadir iyo Koonfur Galbeed oo Isniinta ciyaaraya.

Kulankaan ayaa si weyn loo xiiseynayay madaama uu ahaa semi-final iyadoo garoonka Eng Yariisow ee magaalada Muqdisho ay sii buux dhaafiyeen taageerayaasha saacad ama labo saacadood ka hor inta aysan bilaabanin ciyaarta.
Galmadug ayaa hogaanka ku hormartay daqiiqadii 3aad ee ciyaarta iyadoo uu shabaqa u soo taabtay Maxamed Maxamuud ka dib karoos laga soo dhigay garabka bidix laakiin seddex daqiiqo ka dib Puntland ayaa jawaab degdeg ah ka bixisay iyoo Cabdi Qani Axmed uu madax ku dhaliyay koorno la soo qaaday.
Puntland ayaa ku dooday gool bartamihii qeybta hore markii kubad uu difaacay goolhayaha Galmudug ay ku doodeen inay dhaaftay xariiqda goosha laakiin garsooraha ayaa ka biyo diiday.
Fursado fiican ayay labada kooxood kala heleen qeybtii hore laakiin waxaa lagu kala nastay barbaro gool iyo gool ah iyadoo ay si weyn u sareysay xamaasada ciyaarta.
Bilowgii qeybta labaad labada kooxood ayaa dardar ku bilowday iyagoo durbadiiba fursado halis ah kala helay.
Saacad markii ay socotay ciyaarta Galmudug ayaa hogaanka ciyaarta ku soo laabatay markii kubad kor loo tuuray uu u booday Maxamed Maxamuud oo shabaqa ku taabtay isagoo kaga hormaray goolhayaha iyo daafaca Puntland.
Xamaasada ciyaarta ayaa sii kacday bartamihii qeybta labaad iyadoo Galmudug ay soo mareen fursdado ay ciyaarta ku dili kareen laakiin waa ay iska qasaariyeen halka Puntland ay dooneysay inay ciyaarta ku soo laabato oo ay hesho goolka barbaraha, waxaa iyagana laga beeniyay dhowr fursadood halka rigoore ay ku doodeen balse uu garsooraha ka diiday.
Inkastoo Puntland ay raadisay goolka barbaraha hadana waa ay awoodi waayeen inay dhaliyaan iyadoo ciyaarta ay ku soo dhamaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday Galmudug oo markii ugu horeysay u soo baxday finalka.
Puntland oo labadii jeer ee la qabtay tartanka gaartay finalka islamarkaana qaaday hal jeer ayaa sannadkan ku hartay semi-finalka.
Galmudug waxay finalka ku sugayaan kooxdii berri soo baxda Banaadir iyo Koonfur Galbeed oo iyadana la filayo inay sidii kulankii maanta oo kale u xiiso badnaato.