MUQDISHO:- War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo dhoweyneyso dadaallada ay wadaan dowladaha Kuweyt iyo Mareykanka ee lagu xallinayo khilaafka u dhexeeya dowladaha Khaliijka.
“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhoweynaysaa dadaallada ay bixinayaan Dowladaha Kuweyt iyo Mareykanka ee isu soo dhoweynaya aragtiyada u dhexeeya walaalaha dalalka Khaliijka, waxa aan rajeyneynaa in si deg deg ah loo xallin doono” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lagu qoray barta Facebooka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Dowladaha Sucuudiga, Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa bishii May ee sanadkii 2017-kii xiriirka diblumaasiyadeed iyo kan dhaqaale u jaray dowladda Qadar iyaga oo ku eedeeyay in dowladda Qadar ay maalgeliso argagaxisada.
Dowladda Qadar ayaa eedeyntaas iska fogeysay iyada oo waxba kama jiraan ku tilmaantay in dowladda Qadar ay taageerto argagaxisada.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan dhexdhexaadnimo ah ka qaadatay khilaafkii u dhexeeyay dowladaha Khaliijka iyada oo ku baaqday in miiska wadahadallada lagu xalliyo khilaafaadka jira.