Waxaa Magaalada Muqdisho kusoo idlaaday shirka Wada-tashiga Dakhli-wadaagga Kalluumeysiga dalka iyo dib-u-eegista sharciga Kalluumeysiga Soomaaliya oo socday laba maalin.
Shirkan oo ay ka soo qeyb-galeen dowlad-gobolleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka mid ah qodobada lagu heshiiyay in loo guntado ilaalinta noolaha iyo deegaanka badda.
Waxaa sidoo kale looga hadlay ka hortagga kalluumeysiga sharci darrada ah ee xeebaha dalkeena iyo mideynta siyaasadaha Kalluumeysiga dalka.
Waxaa xusid mudan in Shirkaan kan xiga ay martigelin doonto Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Dowlad Goboleedka Galmudug.