Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu ka hadlay Cadaaad darada Shacabka Ka wajahayaan Hay’adaha Garsoorka.
Waxa uu Ra’iisal wasaare Rooble Warbaahinta usheegay in Cadaalad daradaasi ay ka jirto Dawlada Dhexe iyo Dawlad Gobolleedyada Dalka ka jirta.
Isagoo carabka ku dhuftay in ay dareemayaan Cabasho Shacabka kaga timid Garsoor Xumo ayna taas wax laga xumaado tahay in Dawlada laga waayey Cadaaladii ay ka sugayeen.
Geesta kale RW Rooble Ayaa Faray Wasiirka Cadaalada Dalka iyo Hay’adaha Garsoorka in ay adkeeyaan tayada iyo Xoojinta Xarumaha Garsoorka iyo Cadaalad usameynta Shacabka.
Maxamed Xuseen Rooble ayaa cod dheer ku sheegay in ay Xukuumadiisa oo wakhti kooban heysata hadana uu ku dedaalanayo dadka in Cadaalad helaan.
Tan iyo bur burkii dalka waxa ka jiray Hay’adaha Garsoorka Cadaalad daro Baahsan,iyadoo qofka Jeebkiisa Buuran yahay mar kasta uu Xukunka Guusha hela,waana Heer Musuq maasuq kii uweynaa Ee Cadaalad ufidinta dadka isku haya Arimaha Kala duwan Ee Maxkamadaha Tega.