Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo ka mid ah Saraakiisha Mac-hadka Heritage ayaa waxa uu si qoto dheer uga waramay arinta Doorashada Soomaaliya iyo khaladaadka Doorashada jadwalka loo sameeyey.
Dhaqan gelin la’aan ayaa durba doorashada laga dareemayaa maadaama maanta lagu waday in Aqalka Sare Lasoo doorto.
Waxa uu C/Rashiid Khaliif sheegay in Siyaasiyiinta saamileyda Soomaaliya ah looga baahan yahay inay Dalka unaxaan oo is afgarad ka gaaraan Khilaafka Doorashada ka jira.
Si gaar ah waxa uu sheegay sargaalkani katirsan Mac-hadka Cilmi baarista Siyaasada Ee Heritage in ay ka cabsi qabaan murashaxiin raadinaya Madaxweynaha inay udhintaan iyagoo aan raadinaya.