Siyaasiyiinta Aan dhinac la safneyn kuwa isku haya Siyaasada Soomaaliya Xilligaan ayaa waxay walaac ka muujinayaan Xamar iyo sida ay ufoolaneyso.
Hadalo Dhiilo ah oo hawada la isku mariyey oo xaalada Kala guurka sii cusleysay ayaana la sheegay in ay doorashada markaan cabsi badan dadka qaarkood ku abuurtay Amniga.
Aqoon yahan Liibaan Xuseen ayaa ka digay in La bur buriyo Dawladnimada Soomaaliya oo dhib badan laga mari doono hadii ay dunto.
Wixii laga dhaxlay kala dambeyn la’aanta iyo riditaanka Hay’ado Dawladeed ayuu sheegay in ay halisteeda leedahay Aqoonyahankana uu ku baaqay in dadka loo dhimriyo.
Waxa uu ugu baaqay dhinacyada Murashaxiinta Mucaaradka iyo Dawlada Dhexe ay miiska wada hadalka ku dhameeyaan oo la bad baadiyo Dalka.