Dalalka Hortaagan In La Qabto Doorashada Soomaaliya 2020/2021

45

Inta badan waxaa la arkaa Mucaaradnimo ay Siyaasad ka dambeyso Oo Maamulada Puntland iyo Jubbaland la daba joogaan Dawlada Dhexe ay Hoos yimaadaan.

Madaxda Dawlad Gobolleedyadaasi waxay sameeyaan rabitaankooda inuu meel mar noqdo,uma turaan dadka deegaanada ay xukumaan kusugan.

Bal maxaa diidaya in wixii tabasho ah ay qabaan kala hadlaan Madaxda Ka sareysa,waa tan mar kasta ay udhaqmayaan sidii Dawlado Waddamo kale hoostaga oo aan Soomaaliya katirsaneyn,kuna dhisneyn Nidaamka Federaalka.

Tusaale,Dawlad Gobolleedka Madrid oo Dalka Spain ka shaqeeya,ma diidi karo Hanaanka Dawlada Dhexe Ee Spain kasoo baxa,sidaas si la mid ah Mareykanka Oo Federaal ku dhisan Maamulada hoos yimaado way ayidaan.

Imaaraat-ka carabta iyo Kenya ayaa waxay kala taageerayaan Jubbaland iyo Puntland waana mida had iyo jeer keenta inay diidaan hogaanka Maamuladaasi Soo jeedinta ka timaada Dawlada Dhexe Soomaaliya.

Ku darso oo Madaxweynaha Qaranka Xilligaan waa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ku reer yahay Madaxda Jubbaland iyo Puntland,hadana mucaarad ayey ku yihiin.

Kismaayo iyo Garowe Xukuumadaha ka jira ayaa muujiyey in ay Federaalkii lagu xad gudbay awgeed uga soo horjeedaan Villa Soomaaliya ayna ku baaqayaan in sharciga dalka udegsan lagu dhaqmo.