Musharrax madaxweyne, Xasan Cali Khayre ayaa xalay xaruntiisa ololaha casho sharaf ugu sameeyay in ka badan Lixdan xildhibaan oo kamid ah baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug, xili uu taagan yahay muran la xiriira doorashada.
Kheyre ayaa xildhibaanadaas kala hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin doorashada iyo dib-u-dhiskii Galmudug iyo sida loo sii horumarin karo, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska musharaxa Kheyre.
“Xildhibaannada oo aad ugu dheeraaday ka sheekeynta dowrkii Xasan Khayre ee dib-u-dhiska Galmudug ayaa uga mahad celiyay kartida iyo adkeysiga uu muujiyay intii uu ku guda jiray dadaallada ka mira dhalinta qorshaha dhidibba u taagidda Galmudug loo dhanyahay oo ka qeyb qaadata horumarka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Xasan Cali Khayre oo hadal u jeediyay xildhibaannada ayaa si weyn ugula dardaarmay in qeybtooda uga aadan ay ka qaataan dib-u-dhiska guud ahaan iyo inay ka shaqeeyaan hannaan doorashada dalka oo muddo yar ay inaga xigto.
Waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay in Kursiga uu u tartamayo u raadinayo sidii uu dadka iyo dalka Soomaaliyeed uu wax ugu qaban lahaa, balse uusan u rabin dano gaar ah iyo kuwa shaqsi ahaaneed.