Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgal sababay dhimasho & dhaawac ka sameeyay deegaanno dhowr ah oo katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose sida ay xaqiijiyeen saraakiisha hoggaamineysay.
Deegaannada Askarta Dowladda Federaalka howlgalka ay ka fuliyeen ayaa kala ah: Wala-galeen, Galka saalimow, Dahaad ,Ceel-maracade & Garas Gawaan oo katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Gen. Maxamed Tahliil Biixi oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in howlgalkaas lagu dilay 11-xubnood oo katirsan Al-Shabaab oo uu ku jiro Ninkii watay, halka lagu dhaawacay 6-kale.
Biixi ma sheegin dhankooda khasaare gaaray, balse waxa uu intaas raaciyay in Askarta Xoogga ay burburisay goobo uu ku sheegay in ay Al-Shabaab lacagaha ay ku qaadi jireen sida uu hadalka u dhigay.
Dhanka Al-Shabaab ma jiro war kasoo baxay oo ay uga warcelinayaan sheegashada saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka howlgalka lagu dilay 11-ka ruux, dhaawaca 6-kale & burburinta goobaha ay joogeen.
Ciidamada Xoogga Dalka ayaa culeys Militari saaray deegaannada u dhaxeeya Degmada Afgooye & Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose ee Marka, saraakiisha Dowladda ayaa sheegay in ujeedka howlgalkoodu uu yahay sidii la isugu xiri lahaa labadaan Degmo.