NEW DELHI:-Laamaha Caafimadka dalka Hindiya ayaa baaraya cudur aan wali la aqoonsan waxa uu yahay kaas oo sababay dabayaaqadii todobaadkii tagay in 300 qof la dhigo cusbitaalka.
Dhammaan dadka uu haleelay xanuunkan ayay dhakhaatiirtu sheegeen in ay ka yimaadeen deegaanka Eluru ee gobolka Andhra Pradesh.
Dadkan ayaa lagu arkay astaamo xanuun oo isku mid ah kuwaas oo isugu jira miyir beel, suuxdin iyo lallabo.
46 carruur ah iyo 70 haween ah ayaa ka mid ah dadka uu haleelay xanuunkan.
Bukaannadaasi badankood ayaa ka bogsaday xanuunkaas isla markaana si dhakhso ah cusbitalka looga saaray.
Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in bukaannada la xanuunsan cudurkan dhammaantood laga baaray cudurka saf-marka ah ee COVID-19 balse markii dambe ay caddaatay in aysan cudurkaasi qabin.
Wasaaradda caafimaadka gobolka Andhra Pradesh, ayaa sheegtay in baaritaan dhiigga ah oo lagu sameeyay dadka xanuunsan aana laga helin wax cadeyn ah oo ku saabsan in xanuunkooda uu sababay fayras.
Xisbiga mucaaradka ah ee Telugu Desam, ayaa ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo dhacdadan, iyagoo ku adkeysanaya in cudurkani uu ka dhashay biyo ama hawo sumeysan.