Ciyaaro xiiso badan oo ka tirsan tartanka Champions League qaaradda Yurub ayaa xalay la ciyaaray waxaana iska hor yimid kooxo waaweyn oo aad loo sugayay ciyaartooda.
Lugtii ugu danbeysay ee ciyaaraha group G ayaa waxaa xalay garoonka Camp Nou ku wada ciyaaray kooxaha Barcelona iyo Juventus waxaana markale iska hor yimid labada xidig ee tirada ugu badan ku kala guuleystay abaalmarinta xigigga ugu wanaagsan aduunka ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.
Waxaa la yaab noqotay in kooxda Barcelona oo gurigeeda lagu ciyaaraya 3 gool looga badiyay iyada oo wax gool ah soo taabsiin weyday shabaqa kooxda loo yiqaano Marwada Duqda ah ee Juventus.
Ciyaaryahan Cristiono Ronaldo ayaa laba gool oo rigoore ah ka dhaliyay kooxda Barcelona halka goolka 3-aad uu u dhaliyay kooxda Jeventus ciyaaryahankooda Weston McKenie.
Kooxaha Juventus iyo Barcelona ayaa min 15 dhibcood ku hoggaaminaya group G waxayna sidaa ugu soo wada baxeen wareegga labaad ee tartanka ciyaaraha Horyaallada Yurub.
Ciyaar kale oo xiiso badan ayaa xalay dhex martay kooxaha Manchester United iyo RB Leipzig ee ka dhisan dalka Jarmalka.
Natiijo filan waa ah ayaa ka soo baxday ciyaartii Manchester United iyo Leipzig kadib markii kooxda Manchester looga badiyay 3-2 sidaasina ay uga hartay gebi ahaan tartanka Horyaallada Yurub.
Ciyaaryahanada Angelino, Amadou Haidara iyo Justin Kluivert ayaa sadexda gool ee hore u dhaliyay kooxda Leipzig halka labada gool ee Manchesterna uu midna rigoore ku dhaliyay ciyaaryahan Fernandinho halka goolka kalena uu ahaa mid ay iska dhaliyeen kooxda Leipzig.
Chelsea ayaa xalay bareejo 1-1 la gashay Kooxda Ruushka Krasnoda, Remy Cabella ayaa goolka hore u dhalisay kooxda Krasnodar halka ciyaaryahan Jorginho uu bareejayay goolka kooxdiisa. Waxaa xusid mudan in kooxaha Chelsea iyo Sevillia ay hoggaaminayaan group E iyaga oo sidaasina ugu soo baxay wareegga labaad ee tartanka Champions League.