Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo mudaddii xilkiisa ay sii dhammaaneyso ayaa qaaday tallaabo aan hore loo arag markii uu Xeer Madaxweyne kusoo saaray dib u dhigista Dastuurka KMG ah.
Arrintan waxay ka bilaabatay markii madaxweynihii hore Xasan Sheekh uu qoraal u diray Labada aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, kana dalbaday in Baarlamaanku kulan yeesho si aanu dalku u noqon dastuur la’aan, dib u dhigisna ku sameeyo Dastuurka oo Baarlamaanka 10-aad lagu guuleysan waayay in afti loo qaado.
Waxaa shir isugu yimid Guddiga Joogatada ah ee Golaha shacabka oo go’aamiyey inay labada Aqal shir ka yeeshaan Arrintan, si ay usoo saaraan habraaca loo baahnaa ee wax ka bedelka qodobka 136-aad ee Dastuurka.
Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa qoraal dalbasho kulan ah u diray Guddoomiyaha Aqalka Sare, iyadoo lagu ballamay in kulanka labada Aqal qabsoomo 23-kii bishan Disembar; laakiin waxaa si lama filaan ah arrinta u soo dhex galay Madaxweyne Farmaajo oo kulankaasi joojiyey isagoo usoo maray Guddoomiye Mursal.
Waxaa loo ballansanaa kulan ay labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka yeeshaan Arbacadii 23-ka Disembar 2020 si ay isbedel kooban ugu sameeyaan Qodobka 136-aad ee dhaqangalka Dastuurka markii la dhammeystiri waayey, lana qaban waayey afti lagu ansixiyo oo dadweyne, waxaana kulankaasi ujeedkiisu ahaa in dhammeystirka Dastuurka uu Baarlamaankan 10-aad u gudbiyo Baarlamaanka soo socda ee 11-aad.
Xogta ayaa sheegeysa in Madaxweynaha uu la-taliyeayasha ka helay digniin ku saabsan in haddii ay kulmaan labada Aqal ay u badan tahay inay codka kalsoonida u qaadaan Madaxweyne Farmaajo, xubno mucaarad ahna ay wadaan qorshahaasi, sidaasina xilka uga qaadaan, sidii ku dhacday Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre 25 July 2020.
Madaxweyne Farmaajo oo gacan ka helay Guddoomiye Mursal ayaa qaatay taladii la-talyeyaashiisa, wuxuuna ka hortegay inuu qabsoomo kulanka lagu ballamay ee labada Aqal, isagoo dhinaca kale u yeeray Guddiyada dib u eegista Dastuurka, kadibna Xeer Madaxweyne oo isaga ka bilowday, kuna dhammaaday kusoo saaray shaqadii uu Baarlamaanku qaban lahaa.
Arrinta uu qaaday madaxweyne Farmaajo waxaa shacri darro iyo ku tumasho Dastuur ku tilmaamay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi iyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna sharci-yaqaanadu ka digeen in Soomaaliya noqoneyso dal dastuur la’aan ah; laakiin Madaxweyne Farmaajo waxay uun ka ahayd inuu isku badbaadiyo halis loo sheegay inay kusoo wajahan tahay xilkiisa.
Isha: Goobjooge