Ciidanka Kumaandooska xooga Dalka Soomaaliyeed ee DANAB iyo Ciidanka Daraawiishta Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa si wadajir ah waxay u fuliyeen howlgallo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa Ciidamada waxay ka fuliyeen degaannada kala ah Guba-Kibir, Dharkeen iyo Urur Canjeel ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana saraakiisha hoggaamineysay ay sheegeen in uu ahaa mid lagu xaqiijinayay Amniga sidoo kalena looga hortagayay weerarada Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa waxay sheegeen in howlgalka ay ku dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab sidoo kale ay kula wareegeen degaano ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.
Dhanka kale wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray degaannada Guba-Kibir, Dharkeen iyo Urur Canjeel ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in xaalada ay tahay mid degan, hayeeshee Ciidamada dowladda ay weli howlgalka wadaan.