Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa maanta siwyen looga dareemayaa mooshino iska soo horjeeda oo kala dhan ah guddoomiyaha Baarlamaanka puntland & mid ka dhan ah xildhibaan mucaaradsan Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in Ciidamo farabadan oo ka tirsan Booliska Puntland la dhigay Wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Xarunta Baarlamaanka oo Maanta kulan xasaasi ah uu ka jiro ,iyaga oo xiray wadooyinka oo dhan.
Warar kale oo soo baxayay ayaa waxay sheegayaan in Maleeshiyaad daacad u ah Afhayeenka Baarlamaanka ay ka soo baxeen Magaalada Badhan, waxaana Maanta laga cabsi qabaa in gacan ka hadal uu ka dhaco xarunta baarlamaanka, xili Guddoomiyaha uu doonayo in golaha laga saaro ku dhawaad 8 xildhibaan, halka xildhibaananada ay doonayaan in xilka laga qaado Afhayeenka Baarlamaanka.