Ciidanka Nabadsugidda Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay xaafadaha Magaalada Kismaayo ka sameeyeen howlgallo lagu xaqiijinaayo Ammaanka.
Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay ka sameeyeen dhamaan Xaafadaha Magaalada Kismaayo, waxaa sidoo kale Gawaarida lag fiiqayay muraayadaha Madow ee loo yaqaano Bensalka.
Ciidanka Nabadsugidda Jubbaland ayaa howlgalka ku qabqabtay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo la geeyay Xarunta Ciidanka Nabadsugida si baaritaan loogu sameeyo.
Gudoomiyaha Xaafada Calanleey Cismaan Faarax Baando ayaa sheegay in howlgalka ay soo dhaeeynaaan, isla markaana muhiim uu yahay sugida Amniga Guud ee Magaalada Kismaayo.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay Shacabka inay ka faa’iideystaan amniga, sidoo kale Ciidamada ay kala Shaqeeyaan sidii loo xaqiijin lahaa Amniga Magaalada.
Howlgalkan ay Ciidanka Nabadsugidda ka sameeyeen Xaafadaha magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan dilal qorsheysan ay ka dhaceen Magaalada.