Ciidamada ilaalinta xeebaha Puntland ayaa Saacadihii la soo dhaafay howl gallo qorshaysan oo lagu Beegsano kooxaha argagaxisadda ah ka sameeyay deegaano kala duwan oo hoos taga buuralayda Calmadow oo ka mid ah deegaanada inta Badan ay ku dhuumaystaan Kooxaha Nabad diidka ahi.
Ciidamadan ayaa si gaar ah u beegsaday Deegaanada Xidid iyo Milxo oo ay Argagixisadu dhaq-dhaqaaqyo ka wadeen maalmihi la soo dhaafay
Dadka deegaanka ayaa soo dhaweeyay Ciidamadan howl gallada argagaxiso la dirirka ah ka samaynaya deegaanada Calmadow iyadoona ciidamadu kulamo wacyi galin ah la qaateen wax-garadka Bulshada deegaanadaasi.
Kooxaha Nabad diidka ah ayaa dhaq dhaqaaqyo ay ku waxyeelaynayaan dadka deegaanka iyo nabad galyada guud ee deegaanada Calmadow ka waday tuulooyinka yar yar ee u dhow buuralaydaasi taasi oo horseeday howl galkaan qorshaysnaa ee ay sameynayaan Ciidamada ilaalada Xeebaha Puntland.
Ciidamada ilaalada Xeebaha Puntland ayaa hadda waxaa ay gaareen deegaanada Durduri, Ceelaayo iyo Qaw oo ka tirsan Gobalka Bari.