Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dagaal diblomaasiyadeed ku qaaday dalka Kenya oo ay ku eedeeyeen inay faragelin ku heyso Doorashada Soomaaliya, markii ay cadaadisay Axmed Madoobe iyo Musharixiin ay usoo diray Muqdisho.
Tallaabada is-daba jooga ah ee Madaxweyne Farmaajo qaaday ee ka dhanka ah Kenya waxay siyaasiyinta mucaaradka ku sheegeen inay kaliya tahay olole uu doonayo inuu doorasho ku galay, isagoo doorashadii hore ku galay wadaniyad iyo diidmada kaalinta Itoobiya.
Doorashada Soomaaliya ma qarsooneyn in dalal badan ay faragelin toos ah ku hayaan arrimaha Soomaaliya, siiba xilliyada doorashada, waxaana dalalka waaweyn ee faraha kula jira Doorashada Soomaaliya ka mida Qatar, Imaaraadka, Kenya, Itoobiya iyo dalla kale, laakiin waxaa arrin cusub noqotay ololaha doorasho ee ku wajahan Kenya oo kaliya.
Dalalka Qatar iyo Imaaraadka ayaa la sheegay inay lacagta ugu badan ku bxiiyaan Doorashooyinka Soomaaliya si xildhibaanno loogu soo saaro, sida uu sheegay hanti dhowrihii hore ee Soomaaliya Dr. Nuur Faarax, lacagta Qatar ka timid doorashadii hore ee 2016 ayuu sheegay nay gaartay 8 Milyan Dollar.