Waa qoraalo taxane ah oo falanqayn, iyo faallo kooban ah, oo aan ka diyaariyay barnaamijkii xisbiga KULMIYE ee 2017-kii.uu ku galay doorashadii Madaxtooyada Muuse Biixi , kuna balan qaaday in uu fulin doono hadii loo doorto in uu noqdo Madaxweynaha dalka
Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xisbigiisa Kulmiye oo Waqti xaadirkan ay u buuxsantay mudo saddex sano, oo uu xilka hayay, una bilaabmayo sanadkii 4aad ee mudo xileedkiisa, waxa aynu dib ugu eegi doonaa wixii ka fulay, balan qaadkii iyo barnaamij siyaasadeedkii xisbiga Kulmiye
Waxa aan shacabka usoo bandhigi doonaa wixii u qabsoomay mudada uu xilka hayay ee ku jiray Barnaamij siyaasadeedkii xisbiga Kulmiye,
Barmaamij-siyaasadeedkii xisbiga KULMIYE oo ka kooban buug 111 bayj ah oo isugu jiray qaybo, qodobo waawayn ah iyo faahfaahin mowduuc walba si gaar ah loogu sameeyey waxa uu ka koobna toddoba tiir oo kala ah:
Arrimaha Bulshada; kaas oo ay hoos imanayaan qodobo ay ka mid yihiin, Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, beelaha laga tirade badanyahay, haweenka, dhallinyarada, horumarinta dhaqaalaha dhallinyarada iyo warbaahinta, kuwaas oo mowduuc waliba uu wato faahfaahin ku saabsan qorshayaasha horumarineed iyo wax-ka-beddel ee xisbigu ku samaynayo.
Amniga iyo Nabadda; oo u sii kala baxa, Amniga gudaha, cuqaasha dhaqanka, amniga dibadda.
Dhaqaalaha; oo kala ah, la-dagaallanka saboolnimada, miisaaniyadda, siyaasadda cashuuraha iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo qaybo badan ka sii kooban, si qoto dheerna looga sii hadlay.
Garsoorka iyo Caddaaladda; oo ka kooban, Horumarinta hannaanka caddaaladda iyo garsoorka, Dastuurka, dib-u-habaynta shuruucda dalka, caddaaladda carruurta iyo xabsiyada.
Siyaasadda Arrimaha Dibadda; waxa hoos ku jira qodobo kala duwan sida:
Siyaasadda iyo istiraatijiyadda arrimaha dibadda, aqoonsiga, Midowga Afrika, IGAD, Midowga Yurub, Boqortooyada Ingiriiska, Maraykanka, Jaamacadda Carabta, xidhiidho cusub, wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya iyo Qurba-joogga, kuwaas oo mid kasta goonidiisa xisbigu u tilmaamay sida uu wax uga qabanayo, una horumarinayo.
Horumarinta Maamul-wanaagga; waxa hoos imanaya qodobadan hoose oo mid kasta sharraxaad badan wato.
Maamul-wanaagga, La-dagaallanka musuqmaasuqa, dib-u-haybanta shaqada iyo shaqaalaha dawladda, tiknoolojiyadda oo loo adeegsao isku xidhka hay’adaha dawladda iyo Maamul-daadejinta oo iyaguna qodob qodob loo sii kala faahfaahiyey.
Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada;
Xeerarka, siyaasadaha iyo nidaamka deegaanka, horumarinta deegaanka, maaraynta masiibooyinka dabiiciga ah iyo daraasado
Qaybta 2aad waxa aynu mid mid u dul istaagi doonaa waxa uu ka fuliyay Madaxweyne Muuse Biixi, balan qaadka uu shacabka u sameeyay iyo barnaamijkii xisbiga Kulmiye ee uu ku galay ololaha doorashada Madadtooyada, inkasta oo shacabka somaliland ay markhaati ka yihiin wax qabad la`aanta xukumada Muuse Biixi
La soco qaybta 2aad…..