Muqdish:-War ka soo baxay guddiga lagu muransan yahay ee hirgelinta doorashooyinka heer federaal ayaa lagu shaaciyey in Sabtidii shalay ay madax dowlad goboleedyada u direen habraacyada doorashada iyo foomamka ay u baahan yihiin inay buuxiyaan musharxiinta doorashada kuraasta Aqalka Sare.
“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ee 2020/21 isagoo tixraacaya faafinta rasmiga ahayd ee dhaqan galinta doorashada isla markaasna ahmiyad wayn siinaya dardargalinta howlaha doorashooyinka dalka ayuu maanta oo ay tahay 26ka Diseembar, 2020 u kala diray Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya habraacyada doorashada iyo foomamka ay u baahan yihiin inay buuxiyaan musharxiinta doorashada kuraasta Aqalka Sare” ayaa lagu yiri qoraalka.
Qoraalka guddiga ayaa sidoo kale lagu sheegay inay ka codsaday madaxda dowlad goboleedyada in ay si rasmi ah u bilaabaan diiwaan-gelinta iyo qabashada araajida musharixiinta golaha Aqalka Sare.
“Guddiga wuxuu garawsan yahay baaxadda howsha hortaala iyo waajibaadka loo igmaday, wuxuu ku boorriyey mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedyada in ay qaataan doorkooda kaga aaddan fulinta hawlaha doorashooyinka iyo in ay guddiyada iyo shacabka Soomaaliyeed kala shaqeyaan sidii ay doorashooyinka u guuleysan lahaayeen, una noqon lahaayeen kuwo daah furan oo xor iyo xalaal ah” ayaa lagu yiri qoraalka.
Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal “waxay markale adkaynayaan in Madaxda iyo Barlamaannada Dowlad Goboleedyada ay kaalintooda ka qaataan sidii ay doorashadu ugu qabsoomi lahayd xiligeeda” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga.