Fartaag iyo Axmed Madoobe ayaa la sheegay in ay muddo ay soo jabhadeeyeen,balse hadda waa ay ka dhex tafatay,isagoo mar Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland soo noqday.
Senatar Cabdullaahi Shiekh Ismaaciil “Farataag” Iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Khilaaf dhaqaalo ku kala tegay Farataag ayaa $70,000 kun weydiistay Axmed si uu iskugu daweeyo ka dib xanuun dhanka wadnaha ah oo la soo darsay.
Axmed Madoobe ayaa usheegay Senatarka inuusan awoodin lacagtaasi, waxaana intaas kadib Shalay ayuu dib senatarka Muqdisho ugu so laabtay.
Cabdullaahi Farataag ayaa ahaa Siyaasiyiinta difaaco Axmed Madoobe horeyna usoo noqday Madaxweyne Ku-xigeenka Jubaland. Dowladda Faderalka ahna ka weerari jiray warbaahinta Gudaha.
Waxa Fartaag uu ka mid ahaa Xubnaha Dawlada ku jira ee aadka utaageeri jiray Lamana oga khilaafkaan iyo sida uu Saameyn u abuuri karo.