Nabad iyo Nolol Oo markii hore laheyd Garbo ay ku duusho ayaa hadda umuuqda kuwo sii kala irdhoobaya.
Waxa la sheegay in Kheyre,Farmaajo,Mahdi Guuleed,Maareeye,Goodax iyo Fahad Yaasiin ahaayeen Xubnaha ugu muhiimsanaa Nabad iyo Nolol.
Ka hor inta aysan Meesha ka bixin Tiirarkii Hayey oo Kheyre,Goodax,Maareeye iyo Cawad ku jireen,dhamaantoodna Seefta ay qaaday.
Wasiirka ugu dhaw Madaxweyne Farmaajo Xukuumada waxa uu ahaa muddooyinkii lasoo dhaafay Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar Oo Jubbaland kasoo jeeda.
Balse tani ayaa noqotay mid ay dad badan is weydiiyeen warar soo baxay saacado ka hor oo sheegayey inuu Warqada istiqaalada gudbiyey,Shaqadana iska casilay.
Hadii ay dhab noqoto Arintaas waxay ka dhigan tahay in culeys Siyaasadeed Nabad iyo nolol wajaheyso,oo mowjado dhowr ah ku furan yihiin.
Shaqaale katirsan Xafiiska Madaxweynaha ayaa muujiyey in wax kasta oo guul kusoo noqosho Xukunka ay adeegsanayaan ayna ku rajo weyn yihiin libin ay helaan.