MUQDISHO:-Xafiiska arrimaha siyaasada ee Amisom ayaa sheegay in tababar socday sadex maalin ay siiyeen xubno ka yimid dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Tababarkan oo ay ka qeyb galeen 40 xubnood oo isugu jira odayaal, dhalinyaro, haween iyo xubno ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa ku saabsanaa dib u heshiisiinta iyo xalinta qilaafaadka.
Tababarka oo ka dhacay Muqdisho ayaa dadka ka qeyb galay waxaa ay ka kala yimaadeen magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne.
Dadka ayaa la baray xirfadaha dhex-dhexaadinta qilaafka iyo xoojinta xididka hoose ee dib u heshiisiinta si nabada kor loogu qaado.
Taliye ku xigeenka ciidanka booliska Amisom Augustine Magnus Kailie ayaa adkeeyay muhiimada Amisom, ay u leedahay nabada Soomaaliya iyo sida ay uga go’antahay.
Augustine Magnus Kailie ayaa sheegay in ay rumeysan yihiin in wada hadal loo maro qilaafka uu horseedi karo dib u heshiisiin waarta .
Tababarkaan ayaa ah kii sadaxaad oo xafiiska siyaasada Amisom uu qabto sanadkan.
Waxaa horay taabar noocan oo kale ah ay u siiyeen xubno ka socday maamul goboleedyada Galmudug iyo Koonfur galbeed, waxaana ka faa’iideystay 150 qof.