Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ka dagaallama Yemen ayaa sheegay in gantaal ay la beegsadeen goob shidaal oo uu Sucuudiga leeyahay oo ku taalla magaalada Jiddah,Balse dowladda Sucuudiga ma aysan xaqiijin weerarka.
Muuqaal lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay qiiq iyo uuro madow oo qabsaday wax u muuqdo goob shidaal oo ay leedahay shirkadda Sucuudiga ee Aramco.
Weerarkan ayaa imaanayaa maalmo uun kaddib markii maamulka Trump uu sheegay in maleeshiyaadka Xuuthiyiinta uu ku darayo liiska kooxaha argagixisada.
Jimcihii, Qaramada Midoobey waxay ka digtay in tallaabooyinka noocan ah ay halis ku yihiin dadaallada dhanka nabadda ah xilli dalka Yemen ay si ba’an u saameysay macluul.
Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa horey weeraro ugu qaaday Sucuudiga inkasta oo inta badan weeraradaas ay fashiliyeen ciidamada Sucuudiga.