Qof kamid ah dadka hubka ka iibsaday Suuqyada madow ee Hubka lagu iibiyo ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qoriga loo yaqaan AK-47 Qiimihiisu uu hada yahay $1,400 qiimihiisii hore ayaa ahaa $700, halka qoriga kale ee loo yaqaan PKM ka uu marayo $15,000, sidoo kale Bastoolada Belgium ka ayuu qiimaheedu gaaray 2,000 oo dollar.
Arintaan ayaa loo sababeeyay laba mid oo ah inuu yaraaday hubkii dalka soo gali jiray iyo dalabka hubka ee ka imaanaya dadka gudaha oo sii badanaya.
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=Q0O2vyImQxs]
Ganacsade hubka uga ganacsada suuqyada madow ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dalabka ugu badan uu yahay mid uga imaada shaqsiyaad aysan ogeyn hey’ad ay ka tirsan yihiin, balse inta badan waxaa la iibsanayaa qoryaha kala ah AK-47, PKM iyo qoriga garabka laga rido ee RPG.
Qof Dalaalnimo uga shaqeysta Suuqyada Hubka oo magaciisa kusoo koobay Yuusuf ayaa sheegay in kolkii hore uu dalka soo geli jiray hub badan, balse hadda uu yaraaday hubkii ka imaan jiray dalka Yemen oo Soomaaliya laga soo geli jiray hubka iibka ah ee suuqa madow ah.
Sidoo kale qofka noo waramay waxa uu sheegay inuu batay dalabka ka imaanaya dadka ku nool gudaha dalka, kuwaas oo badiyey iibsashada hubka lixdii bilood ee u dambeysay, waxaana uu tilmaamay in ciidanka dowladda ay ka mid yihiin dadka sida aadka ah u kala iibsada hubka.
Yusuf oo la hadlay Horn Observer oo arimaha Bariga africa iyo Somalia wax ka qora ayaa sheegay in afar hogamiye beleed ay 3 dii bil ee lasoo dhaafay siyaabo kala duwan ay isku hubeeyeen taa oo muujinaysa cabsi dhinaca ololaha doorashada ay siyaasiyiintaas ka qabaan.
Yuusuf oo hadalkiisa sii watay ayaa yiri “Doorashooyinkaan way ka duwan yihiin kuwii hore, beel waliba waxa ay doonaysa inaan la dhicin ama faragalin lagu sameyn saamiga ay baarlamaanka ku leedahay, wax walba ay u sameyn karaan hadii sidaasi ay dhacdo.”
Xasan Nuur oo taxliiliya arrimaha ammaanka ayaa sheegay in hadalladii u dambeyay oo ay warbaahinta isku mariyeen siyaasiyiinta mucaaradka ah, kuwa taageersan xukuumadda iyo waliba sida hanaanka loomarayi doorashada dalka ay muujineyso khataro badan oo dhanka ammaanka iyo kala dambeynta dalka soo wajihi kara, maadaama sida uu sheegay beelaha qaar ay is hubeynayaan.