Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maalintii saddexaad ka baaqday safar uu ku tegi lahaa magaalada Baladweyne ka dib markii maleeshiyaad hubeysan oo ka careysan doorashadiisii is hortaag ku sameeyeen.
Maleeshiyadan oo uu hoggaaminayo Janaraal Abuukar Xuud oo ahaa musharax xilka madaxweynaha Hirshabeelle, balse laga hor istaagay ayaa wacad ku maray iney dagaal adag la geli doonaan Cali Guudlaawe haddii uu ka soo dego magaalada Baladweyne oo lagu wado in Xafladda caleema saarka lagu qabto.
Wararka qaar ayaa sheegaya iney socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu xaliyo tabashadaas, balse ma jiraan wax guulo ah oo ilaa iyo hadda la gaaray.
Maleeshiyadan oo fariisin ka sameystay deegaanka Ceelgaal ayaa halkaas ku heysta hub aad u fara badan waxayna diyaar u yihiin iney magaalada u soo dhaqaaqaan haddii ay soo degto diyaaradda sida wafdiga Cali Guudlaawe.
Doorashadii ka dhacday magaalada Jowhar waxaa loo arkaa mid afduub ahayd inkastoo markii dambe mucaaradka iyo muxaafad si isku mid ah u soo dhoweeyeen.