Xildhibaan Mina Xasan Shibis oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia ayaa bilowday olole ay ku dooneyso in kursiga xildhibaanimo ee Galmaax Yoonis u gaar yeesho mid u qoondeysan haweenka kaliya.
RW Rooble ayey arrintaan kala hadashay xili ay kula kulantay xafiiskiisa, hase ahaatee go’aan ka gaarida waxay dhex taal beelweynta Galmaax.
Mina Xasan Shibis oo mudadii afarrta sano ee ay ku ku fadhiday kursigaasi ayaa lagu eedeeynayay inay ka gaabisay waajibaadkii loo igmaday iyo ummaddii ay ku madalaysay kurisha deegaan doorashadiisa tahay Hirshabeelle.
Mina Xasan Shibis oo deegaanada ay kasoo jeedo ka jiraan colaado u dhaxeeya dad walaalo ah ayaa marna ku bixin, halka laga sugayay inay hormariso deegaanadaas oo xaalado aad u adag ka jiraan.