Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galayay barnaamij dood wadaag su’aalo lagu weydiinayay ayaa weerar afka ku qaaday Taliyaha Nabadsugida & Sidroonka Qaranka Fahad Yaasiin, isaga oo ku sheegay inuu yahay Milkiilaha dowladda.
Xasan sheikh wuxuu sheegay in fahad Yaasiin uu markii hore la wareegay Madaxtooyada, balse la ogyahay sida uu ka yeelay, sidoo kalena Ciidamada Nabadsugida, Booliska & Hay’addaha kale ee dowladda uu dhamaantood wada dumiyay.
“Milkiilaha Dowladda waa Fahad Yaasiin, NISA ayuu dumiyey, Booliska ayuu dad ku dul dumiyey, haddana ka yeeli meyno inuu siyaasadda dumiyo wiilka an adeerka u ahay waxaan leeyahay hoos wax waan kuugu sheegnay balse hadda public baa laguugu sheegaayaa ayuu yiri Xasan sheek ..”
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa hadda waxaa uu kamid yahay musharixiinta Madaxweynaha ee aad u dhaliilsan dowladda Madaxweyne Farmaajo, waxaana uu ku eedeeyaa inaysan Bulshada wax u qaban, sidoo kalena ay doonayaan inay faramaroojistaan doorashooyinka.