Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ahna musharax Madaxweyne oo Maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka.
Kheyre oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inuu horay u sheegay intii uu xilka haayay inay waajib tahay in 4-tii sanaba dalka ay ka dhacdo doorasho xor & xalaal ah oo waafaqsan Dastuurka haatana uu mar kale ku celinayo.
Wuxuu sheegay in hadii ana lagu heshiin nidaamka doorasho aan lagu heshiin doonin dowladnimada ka dhalata, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in Cashar laga barto wixii la soo maray.
Xasan Cali Kheyre wuxuu hadalkiisa intasi ku daray in doorasho aan lagu heshiin ay ka dhalan karaan dhibaatooyin kala duwan, isaga oo tusaalo u soo qaatay dagaalka ka socda Itoobiya oo uu sheegay inuu ka dhashay doorasho dib loo dhigay.
“ Waxaan maanta dalka dib ugu soo laabtay inuu jiro walaac la xiriiro doorashada, waxaana ugu baaqayaa madaxda dowladda & Shacabka Soomaaliyeed inay muhiim tahay in lagu heshiiyo doorashooyinka, laakin hadii aan lagu heshiin ay khatar geli karto dowladnimada Soomaaliya ayuu yiri” Xasan Cali Kheyre.