Warbixin ay soo saartay hay’adda RSPH ee arrimaha caafimaadka dadweynaha ee dalka Britain ayaa lagu sheegay in ay muhim tahay in dadku diiradda saaraan sidii looga hortagi lahaa jeermiska ku faafaya guryahooda halkii ay ku mashquuli lahaayeen nadiifinta meelaha ay u arkaan in ay wasakhaysan yihiin.
In xilliga ugu habboon la meyro gacmaha, dharka iyo waxyaabaha kale ayaa muhiin u ah nadaafadda iyada oo ay hay’addu sheegtay in afartii qofiba midkood uu u arko arrimhani in aysan muhiim ahayn.
Dadaal nadaafadeed joogta ah ayaa keeni kara yareynta caabuqyada iyo in laga hortago in cudurradu ay adkeysi u yeeshaan dawooyinka antibiyootikada.
Sahan lagu sameeyay 2,000 oo qof, ayaa lagu ogaaday in 23% oo ka mid ah dadkaasi ay rumeysan yihiin in jirka carruurtu uu u baahan yahay jeermiska halista ah si uu isaga difaaco jeermiskaasi.
Khubarada diyaarisay warbixintan ayaa sheegtay in tani ay tahay aragti mustaqbalka halis noqon karta oo keeni karta in carruurta halis loo geliyo caabuqyada halista ah.
Nadaafadda ayaa muhim u ah:
- Diyaarinta iyo cunidda cuntada
- Marka cunnda gacanta lagu cunayo
- Ka dib isticmaalka musqusha ama suuliga
- Marka dadku qufacayaan, hindhisaan iyo marka ay duufka iska siiminayaan.
- Dhaqidda iyo nadiifinta dharka yaalla guryaha ee “wasakhaysan”
- Xannaaneynta xayawaanka guri joogta ahi
- Uruurinta qashinka
- Daryeelidda xubin qoyskaaga ka mid ah oo qaba cudur
Weelasha iyo miisaska oo lagu dhaqo biyo qandac ah oo saabuun leh ayaa nadiifin karaya bakteeriyada.balse in gebi ahaanba la dilo bakteeriyada waa in la helaa biyo aad u kulul.
Waxyaabaha jeermiska iyo bakteeriyada lagula dagaallamo waxaa ay u kala baxaan ilaa saddex qeybood oo mid kastaa ay leedahay shaqo gooni ah.
- Waxyaabaha kiimikada ka sameysan ee sida saabuunta oo kale – waxa ay nadiifiyaan sheyga ama meesha lagu dhaqo, waxa ayna baabi’iyaan waxyaabaha sida dufanka oo kale ah balse marnaba kama takhluusayaan baktiiriyada.
- Waxyaabaha jeermiska dila – waxay dilaan bakteeriayda basle inta badan wax weyn kama tariu karaan meelaha dufanka leh ama wasakhda adage e muuqata.
- Waxyaabaha loo adeegsado nadiifinta iyo in jeermiska lagu dilo. Waxyaabahani waxaa marka hore lagu nadiifiyaa sheyga ka dibna waxaa loo adeegsadaa in lagu dilo jeermiska.