Labo Dhallinyaro Soomaali ah, ayaa Dil iyo Dhaawac loogu gaystay Magaalada Port Elizabeth oo ku taalla Gobalka Eastern Cape ee Dalka Koonfur Afrika.
Sayid Cali oo ah Muwaadinka uu Dhiigga ku yaalo, ayaa dhaawac ah, hase ahaatee Marxuumka dhintay oo Sawirka Labaad ah nooma aysan suurtagalin inaan Magaciisa helno, waxaana arrinta la yaabka leh oo aad loo hadalhayo ay tahay in Sadex Dukaan oo Hal Ganacsade leeyahay isla xalay cagta la soo mariyey, Dukaanka 1-aad Dilka ayaa ka dhacay, Kan 2-aad Dhaawaca, Halka kan 3-aadna aysan u suurtagalin Burcadda inay gudaha u galaan.
Xoogagga ammaanka, ayaa wada baaritaano xooggan, walow aanu ognahay in kumanaan kiis oo Dilalka Muwaadiniin Soomaaliyeed ah la furay, wax natiijo ahna aysan ka soo bixin, taasoo loo aaneeyo habacsanaan ka jirta Safaaradda Somalia ay ku leedahay South Africa iyo Ururada Jaaliyadda intaba.
South Africa, ayaa xilliyada Sanad dhammaadka waxaa aad u kordha weerarada ka dhanka ah Ajaanibta.
Abdulrazak IndhaJaceyl