HARGAYSA:-Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Mustafa Sheekh Cali Dhuxuloow oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna Musharax Madaxweyne in lagu xiray magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.
Weriye ku sugan magaalada Hargeysa ee Somalilaand ayaa bartiisa Facebook ku soo daabacay in garoonka Hargeysa maanta lagu xiray Xildhibaan Mustaf Dhxuloow.
“Xildhibaan Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ahna musharrax madaxweyne ayaa maanta lagu xiray magaalada Hargeysa, xilli uu kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Cigaal” ayuu yiri Weriye Khaalid Foodhaadhi oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.
Maamulka Somalilandoo sanadkii1991-kii ku dhawaaqay gooni isu taag ayaa xira masuuliyiinka xilalka siyaasadeed ka soo qabta Soomaaliya ee booqda dhulka uu ka taliya maamulka Somalilaand.